Wafti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Safar ku jooga Dubai + SAWIRRO

0
908

Dubai,(HargeisaPress) — Wafti uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaacil (Saylici) ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai, safarkiisan ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Kuxigeenka, Wasiirka Gaadiidka Iyo Hormarinta Jidadka Somaliland Abdullahi Abokor  Osman.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland oo ka hadlay ujeedka safarkaasi, ayaa ku sheegay mid Shaqo oo ay dhawar casho ku joogi doonaan Dubai, Safiirka Somaliland ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta Ambasador Xasan Yaasiin Hirad, Wasiir Ku xigeenada Gaadiidka Iyo Hormarinta Jidadka Sahal maohamed Jamac oo hore u sii joogay Magaalada Dubai ayaa ku soo dhaweeyay Safaaradda Somaliland ku leedahay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xukuumada Somaliland wali wax warakamay soo saarin safarka Madaxweyne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland ku joogo Magaaladda Dubai .

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

 

LEAVE A REPLY