Wafti Uu Hogaaminaayey Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed Oo Kamida Golaha Deegaanka Caasimada Helsinki Finland Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

0
1018

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wafti uu hogaaminaayey Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo kamida Gollaha Degaanka Finland gaar ahaan caasimada Helsinki  isla markaasina ah musharax u taagan Doorashada Golaha Baarlamanka ee Dalkaasi Finland oo qabsoomi-doonta April 2019 ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed ayaa waxa socdaalka  ku weheliyey saraakiil ka tirsan haayad horumarineed oo ka hawlgasha dalka Finland kuwaasi oo mashaariic horumarineed ka fulin-doona Somaliland.

Waftigan ayaa waxa dalka kusoo dhaweeyey Haldoor iyo dhalinyaro tiro badan oo isugu jira Madax-dhaqameed Siyaasiyiin iyo Aqoonyahan-ba

Munaasibadii soo dhaweynta ayaa waxa ugu horeyn hadalo kooban kasoo jeediyey Siyaasi Siciid Sulub Muxumed oo kamida Siyaasiyiinta ugu magaca weyn Somaliland, isagoo isla markaasina si balaadhan ugu mahad naqay Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed sida wadani-nimada leh ee uu uga qayb-qaadanayo horumarinta dalkiisa Somaliland isagoo isla markaasina Hambalyo iyo duco iskugu daray Doorashada Golaha Baarlamka Finland ee uu Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed u taagan yahay inuu ka qayb-galo April 2019.

Dhinaca kale waxa iyaguna erayo Mahadnaqa kasoo jeediyey Suldaan Siciid Axmed iyo xubnihii kale ee waftiga ku wehelinaayey iyagoo sidoo kale aad uga dareen celiyey soo dhaweynta balaadhan ee lagu qaabilay

Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo kamida dhalinyarada qurbajooga ah ee reer Somaliland ee dadaalka badan ayaa ah Xildhibaan kamida Gollaha Degaanka Finland gaar ahaan caasimada Helsinki,

Guddoomiye kuxigeenka golaha dhexe xisbiga garabka bidix ee dalka Finland (The Left Party of Finland) Xubin kamida Gollaha Fulinta magalada Helesinki, Xubin kamida gudida joogtada ah ee  horumarinta dhaqaalaha caasimada Helsinki.

Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed ayaa sidoo kale ah Musharax utaagan doorashada baarlamaanka Finland ee dhaceeysa bisha April 2019, kana sharaxan caasimada Helesinki. Oo la rajaynaayo inuu ku guulaysto insha alaah iyadana .

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here