WAFTI KA SOCDA DALKA SWEDEN OO LAGU QAABILAY QASRIGA MADAXTOOYADA SOMALILAND

0
1712

WAFTI KA SOCDA DALKA SWEDEN OO LAGU QAABILAY QASRIGA MADAXTOOYADA SOMALILAND

Hargaysa- Hargeisapress– salaasa- 2/0ct/18- wafti ka socday dalka sweden oo isugu jiray khuburo qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha,buundooyinka,iyo dhismaha guryaha, waftigani waxaa xarunta madaxtooyadda somaliland ku qaabilay agaasimaha madaxtooyada somaliland Mohamed ali bile.

 

In camalka aduunka yaala cideeda ku wanaagsan la macaamishaa waa sunne wanaagsan.

waftigu waxay ka mahadnaqeen sida quruxda badan ee lagusoo dhaweeyay somaliland iyo nabadda iyo ilbaxnimadda ka hirgashay jamhuuriyadda somaliland

“Horumarinta kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka, biyaha, buundooyinka iyo dhismaha guryaha waxa ay kor u qaadayaan dhaqaalaha iyo heerka nolosha bulshada. Waa arimo u baahan maalgashi iyo kor u qaadidda heerka xirfadeed ee shaqaaleheena. Waa arimaha an maanta ka wada hadalney wafdi ka socda dalka Sweden oo an maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyada” sidaa waxa yidhi Agaasime Mohamed cali bile

hargeisapress main office

LEAVE A REPLY