Waddani Oo Dhaliilo Culus Ku Hurggufay Xukuumadda Muuse Biixi

0
772

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku dhaliilay xukuumadda talladda Somaliland haysa ee xisbiga Kulmiye in ay ku guul daraysatay in maamulka hawadda Somaliland loo soo wareejiyo.

Waxaanu sheegay Waddani in maamulkii hawadda ee wixii la isku odhan jiray Soomaaliya ay qaramadda midoobay gebi ahaanba ku wareejisay dawladda federaalka Soomaaliya, isla markaana xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi  ay ka gaabisay hawshaasi.

Sidaasina waxaa sheegay Nuura Diin Diini, xoghayaha duulista ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa.

Nuura Diin Diini, waxa uu sheegay in bishii May ee ina dhaaftay ay hay’adda ICOA  warqad rasmiya u qortay  shaqaalaheeda u jooga Kenya, isla markaana ay ku amartay in bisha soo socota ee July  ay ku wareegaan wasaaradda duulista iyo hawadda dawladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale-na in qalabka lagu hago dayaaradaha ee yaalla magaaladda Nairobi loo kala wareejin doono  Baydhabo,  Boosaaso, halka ka Soomaaliya-na loo wareejin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xoghayaha arrimaha duulista ee Waddani waxa uu tilmaamay in ay muuqato in adeegii duulimaadyadda ee Soomaaliya oo dhan lagu ururiyay Muqdisho.

Sababta keentay dhacdooyinkaas ka dhanka ah hawadda Somaliland ayuu xoghayuhu ku eedeeyay in ay ka masuul tahay xukuumadda Kulmiye, isla markaana ay muujinayso fadhiidnimadeedda.

 

Halkan Ka Daawo Nuura Diin Diini Oo Arrimahaas iyo Kuwo Kale Faahfaahinaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY