Waddamada Carabta Ugu Tunka Weyne Oo Xidhiidhka U Jaray Dawladda Qatar iyo Saamaynta Dhaqaale Khaliijka Carabta

0
1258

Abu Dhabi,UAE  (HargeisaPress) — Lix waddan oo kala ah Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Masar, Yemen iyo Liibiya ayaa xiririka u jaray dawladda Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagixisada.

Dalwadda Qatar ayaa gaashaanka ku dhufatay eedaha loo soo jeediyey, waxayna sheegtay in aanay meel haysanin tallaabada ay dawladahaasi qaadeen.

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xidhatay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Wakaaladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhammaaan gaadiidka qadar ka xiratay hawadeeda iyo dakadaheeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.

Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkoodu uu calaaqaadka u jarayo Qadar sababtuna ay tahay in ay gilgishay ammaanki iyo daganaanshihii Baxrayn ayna qasayso dalkooda

Dalalkaasi waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto ururrada argagixisada oo uu ka mid yahay midka Akhwaanul Muslimiin ama Muslimiinta walaalowday.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here