Waa Maxay Tiirarka Dhaqaale Ee U Suuro Gelin Kara Inuu Dal Ku Talaabsado Horumar Dhaqaale?

0
150
Prof. Adam Ismail (Adan wali) PHOTO FILE

Marka laga hadlayo horumarka dhaqaale ee dal hiigsanyo waxa jira tiirar muhiim u ah horumarkaas oo loo baahanyahay inaynu ogaano halka uu dalkeenu kaga jiro. Tiirarkaasi waxay kala yihiin afartan tiir:

1.Xooga shaqaale ee uu dal leeyahay (human resources)
2.Hantida uu dal haysto (capital resources)
3.Aqoonta tiknoolajiyo ee uu dal leeyahay (technological resources)
4.Khayraadka uu dal hodan ku yahay (natural resources)

1.Xooga Shaqaale ee uu dal leeyahay (human resources) wuxu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee dalka ilaahay ku mannaystay gaadhsiiya horumar dhaqaale iyo mid bulsho. Waxay dhaqaale yahanada adduunku isku raacsanyihiin in hadii uu waddan ka horumaro xirfada iyo tababarka xoogaga shaqaale uu si fudud ugu tallaabsan karo wax soo saar iyo koboc dhaqaale oo cuddoon. Taa waxa daliil u ah waddamada 30 kii sano ee la soo dhaafay uu dhaqaalahoodu xoog u kobcay sida: China, India, Korea, Indonesia, Singapore iyo Malaysia iwm waxa kobocooda dhaqaale hormood ka ah shaqaale leh xirfad iyo aqoon heer sare ah. Waxa u sahlay dalalkan Jaamacado iyo Machadyo soo saara dad ka dhisan aqoonta iyo xirfadaha (skilled human resources). Somaliland haddii ay doonayso inay horumar dhaqaale gaadho waa inay wax ka bedeshaa curinta aqoonta iyo tababarka dadkeeda oo ay ku dartaa qorshaheeda horumarineed inay soo saarto shaqaale dhisan, waana in la sameeyo machadadii farsamada iyo Jaamacadihii takhasuska ahaa. Waxa dalkeena ka jira ilaa 27 Jaamacado ku sheeg oo runtii badankooda ay ceeb ku tahay inay sheegtaan magaca “Jaamacad” oo aan cid la xisaabtantaa jirin, waxanay soo saaraan dad badan oo aan haba yaraatee wax tayo ah lahayn oo aan xataa CVgooda si fiican u qori karin hadana odhanaya Jaamacad ayaan ka baxay ama shahaadada Master ka ayaan sitaa.

2.Hantida uu dal haysto (capital resources) ayaa ah tiir wayn oo loo adeegsan karo horumarka dhaqaale ee uu dal u baahanyahay inuu ku talaabsado. Hantidani waxay ka timaadaa marka ugu horraysa dhaqanka kaydsiga ama dhitaysiga (culture of savings) ee ay ummada dalkaa degani leedahay. Haddii aynu tusaale u soo qaadano waddamada aynu kor ku xusnay waxay dadkoodu leeyihiin dhaqan dhitaysi oo u sahla inay bangiyadu kaydiyaan lacag badan taas oo dib loo amaahiyo dawlada iyo ganacsatada si loogu kobciyo dhaqaalaha. Inaga dadkeenu uma laha dhaqan inay bangiyada lacago ku kaydsadaan waana mid loo baahanyahay in la dhiiri geliyo ama la xoojiyo. Bangiyada lafootdu waa inay dadka lacagta ku kaydsada ee ay lacagtooda ku shaqaysanayaan wax dib ugu siiyaan faa’iidada ay dhashay lacagtaasi si ay taasi u dhiiri geliso inay dad badani dhigtaan lacag bangiyada. Arrintani waa mid ay tahay inay dawladu kala hadasho bangiyada oo weliba uu bangiga dhexe dejiyo qorshaha inta faa’iido sannadkii dib loogu celinayo qofkii lacagta dhigtay bangiyada gaarka loo leeyahay, mar hadii aanay bangiyadu is xilqaamayn.

3.Aqoonta tiknoolajiyada ee uu dal leeyahay (technological resources) ayaa iyana ka mid ah tiirarka muhiimka u ah horumarka dhaqaale ee uu dal gaadhi karo. Mar kale hadii aynu dib u jaleecno waddamada aynu tusaalaha u soo qaadanay ee kor ku yaala waxay ka simanyihiin inay horumar wayn ka gaadheen curinta tiknoolajiyada casriga ah taas oo u sahashay inay sameeyaan wax soo saar ballaadhan oo ah dhinaca farsamada iyo sinaacada oo ay adduunyada u iib geeyaan. Arrintani waxay keentay inay ka helaan dakhli badan oo ay dib u geliyeen dalkooda kuna sii xoojiyeen dhaqaalahooda. Hadaba horumarka laga gaadho tiknoolajiyada waxa qayb wayn ka qaata cilmi baadhis iyo horumarinta curinta (research and development and innovation) taas oo kor u qaada aqoonta iyo xirfada ay leeyihiin dadka u dhashay dalkaas kuwaasna sida aynu soo sheegnay waxa abuura Jaamacado iyo machadyo u heeggan ah inay soo saaran dad aqoon iyo xirfad leh. Dawladu waa inay ka hawl gasho sidii loo abuuri lahaa xoogag shaqaale oo aqoon farsamo leh oo wax curin kara ama allifi kara.

4.Khayraadka dabiiciga ah ee uu dal leeyahay (natural resources) ayaa ah tiirka afraad ee dal u horseedi kara inuu ku talaabsado horumar dhaqaale oo dadkiisa noloshooda wax ka bedeli kara. Sida aynu ognahay Somaliland waxay hodan ku tahay khayraadka ku duugan dhulkeeda iyo weliba kuwa berriga laga helo. Lakin waxa muhiim ah in la fahmo khayraad dalkeena ku jiraa inaanay ku gaadhsiin karin horumar dhaqaale haddii aanad la soo bixin iyo weliba hadii aanad si wanaagsan u maamulin khayraadkaa si aanay u noqon waxa loogu yeedho “khayraadka habaaran” ama “curse of natural resources” oo keena burbur, colaad iyo kala qaybsanaan. Tan waxa ka markhaati ah waxa ka dhacay dalka South Sudan oo ay dadkii u dhashay ku heshiin waayaan inay si wanaagsan u qaybsadaan khayraadka ilaahay ku mannaystay. Somaliland si ay uga taxadirto habaarka khayraadka waa inay u samaysaa sharciyadii iyo qaabkii loo qaybsan lahaa oo ku dhisan wax qabad iyo daacadnimo.

Gunaanadkii si kastaba ha ahaatee xukuumada madaxwayne Muuse Biixi waxa looga baahanyahay inay ku dabbaqdo siyaasadeeda horumarinta dhaqaale (economic development policy) tiirarka aynu kor ku soo sheegnay waana inay ku salayso qorsheheeda sidii ay dalka iyo dadka ugu horseedi lahayd horumar dhaqaale oo noloshooda wax ka bedela.

Somaliland Guul !!!
Aadanweli Ismail
Email: aadanweli@gmail.com
Facebook: aadanweli Ismail
Twitter: @aadanweli

LEAVE A REPLY