Waa Kuma Wasiirka Ku Suntan In Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Uu Hanto Quluubta Bulshada Waynta Ku Dhaqan Gobolka Gabiley.

0
979

Diiwaanka Taariikhdu waa mid furan Qalinkuna waa mid u diyaara in lagu qoro dhacdooyinka Maalinlaha ah ee Qadarka Eebe ku socda iyadoo aynu Qormadan Diirada ku saari doono Siyaasi Saaxada soo galay isagoo Da”ayar oo Dhamaysa ugu horaynse Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse  waxuu Safka hore kaga jiraa Masuuliyiinta ugu Da’ada yar Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ee Alle ku galaday Kalsoonida iyo Go’aan qaadashada waa Siyaasi Taariikhdu ka marag kacayso Go”aankii Geesinimada lahaa ee Xillkiisii Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hawlaha Guud iskaga casilay in uu Taageero baaxadleh la garab joogsado  kuna Xaqiijiyo in Madaxwayne Siiraanyo ku guulaysto tartanka ugu jiray Hogaaminta Dalka iyadoo Alleha Awooda leh Hamigiisii u xaqiijay Madaxwayne Siiraanyana guul Taariikhiya ka soo hooyay tartankaa iyadoo waqtigaas oo Maanta laga joogo Todoba Sanno Maanta Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse waa Wasiirka kaliya ee ka mida Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ee Taariikhdaa ku leh Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye .

Mar kale Wasiir Shucayb Maxamad Muuse waxuu ka mid noqday Murashaxiintii Xisbiga Kulmiye ee Doorashadii Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley isagoo noqday Murashixii ugu miisaanka cuslaa ee soo fadhiistay Kuraasta Shirka Golaha Wasiirada  Qasriga Madaxtooyada S/land ee u tartamaya in uu Codkiisa ku xaqiijiyo guusha Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Golaha Deegaanka isagoo Alle ku guuleeyay in uu  ka mid noqdo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley iyadoo natiijada cod bixinta ay komishanka dorashooyinku ku dhawaaqeen Maalin Arbaca ah oo taariikhda ku beegan 7/12/2012.

Sidoo kale Wasiir Shucayb Maxamad Muuse waxay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Dagmada Gabiley u doorteen 25/12/2012 Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley waxaanu Xilkaa Gudoomiyaha Gabiley hayay mudo Laba Sanno iyo Sadex Bilooda isagoo Muddadii uu xillkaa hayay ku talaabsaday Horomar Baaxadle waxaanay Taariikhdu ka marag kacaysa in uu Magaalada Gabiley ka dhisay Wadooyinkii Laamay ah ugu badnaa ee Abid laga dhiso waxaanu Dhisay uu Qalabeeyay Dugsiyo dhawra oo Tuulooyinka ka dhisay iyo in uu Dhamaystiray uu Qalabeeyay Guriga Martida, Sadex Gaadiid Nadaafada ah uu u soo iibiyay Dawlada hoose Gabiley , Baldhawsar iyo Cagaf,

Sidoo kale wuxu kor u qaaday mushaharka shaqaalaha ee darajada D, uwaasi oo uu tiraba laba jeer uu mushaharka u kordhiyay,

Dhanka kale wuxu dayactir ku sameeyay sariimadaha magaalada gabiley kuwaasi oo ay hore dhibadani ka haysatay hooyooyinka wax k iibiyay, goobahan.

Sidoo kale wuxuu taageero waxqabad ka gaystay dhismaha jidka isku xidha kalabaydh iyo wajaale kasi oo laba kilomitir ay dawlada hoose gabiley bixisay kharashkooda, dhismaha jidka alaybayday oo uu ku lahaa door muuqda iyo dhismaha biriijka iskuulka Qalax oo ay ardayda dhibadani ka haysatay xili roobaadka.

Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

Waxqabad badan oo aan Qormo kaliya lagu soo koobi karayn iyadoo Wasiir Shucayb Maxamad Muuse Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay Wasiirka Wasaarada Warshadaha 15/3/2015.

Mar kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in Wasiir Shucayb Maxamad Muuse uu Taageero baaxadle la garab joogsaday Muj Muuse Biixi Cabdi maalmihii Tartanka adag uu ka dhex socday Gudaha Xukuumada Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye isagoo Wasiir Shucayb  kaalin muuqata ku lahaa Kaanbaynkii Muj Muuse Biixi Cabdi  kuna Xaqiijinayay in Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye uu noqdo Muj Muuse Biixi Cabdi iyadoo Taariikhdu ka marag kacaysaa  in Wasiir Shucayb uu Hormood u ahaa Wasiiradii Shirka Golaha Dhexe ka hor sida cad Warbaahinta Hankiisa ugu Taageeray Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi .

Maanta Wasiir Shucayb Maxamad Muuse waa Wasiir u hagar baxay una heelan siduu u Xaqiijin lahaa in Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi iyo Eng C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici siday ugu Guulaysan lahaayeen Hogaaminta dalka waxaanu waqti kasta Kulano iyo Shirar uu ku wacyi galinayo  kula jiraa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Gabiley isagoo meesha ka saaray Hab dhaqanka Siyaasiyiinta qaarkood ee hawlaha Xisbiga ku soo koobay in ay Fagaaraha iyo Warbaahinta kala hadlaan Bulshada Gobolka Gabiley balse aynu dull joogsano Qodobo iftiiminaya Kartida, Daacadnimada, iyo Hogaaminta uu Wasiir Shucayb Maxamad Muuse ku noqday Wasiir ku suntan in Quluubta Bulshada Gobolka Gabiley ay hantaan Murashaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye .

1: Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse waxuu Xidhiidh wanaagsan la leeyahay Guud ahaan Madaxdhaqmeedka Gobolka Gabiley isagoo waqti kasta heegan ugu jira Xidhiidhinta Madax dhaqmeedka  Masuuliyiinta Xukuumada iyo Murashaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye iyadoo Dadaalkiisa marag cad uga dhigayo Agaasinka Xafladihii Xildhibaanadii Ururadoodu ku hadheen tartankii Doorashada Golaha Deegaanka Gabiley iyo Masuuliyintii hore ee Dagmada ugu soo biireen Xisbiga Kulmiye iyadoo Xafladahaasi u quus gooyeen Rajadii Xisbiga Wadani ka qabay in ay Cod ka helaan Bulshada Gobolka Gabiley. .

2: Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse waxuu meesha ka saaray Caadadaii Siyaasiyiintii hore ee gabiley oo ahayd in Siyaasi Geediya uu wakiil ka ahaado oo Warbaahinta iyo Fariimo ku hogaamiyo Bulshada Gobolka Gabiley waxaanu qorsheeyay Wasiir Shucayb in Todobaadkii Laba Maalmood iyo in kabadan uu Shirar iyo Kulano la qaato qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Gabiley Dadaalkaa Wasiir Shucayb oo keentay in Murashaxa Madaxwaynaha Muj Muuse Biixi Cabdi uu Hanto Quluubta Bulshada G/Gabiley.

3: Wasiirka Wasarada Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse waxuu ku guulaystay Xalinta khilaafaad kooban oo dhawra  oo soo kala dhex galay Masuuliyiinta kala duwan ee qaybaha bulshada Gobolka Gabiley iyadoo Siyaasada Wasiir Shucayb ay ka go”an tahay in Bulshada Gobolka Gabiley isku duubni,  Midnimo iyo Wadajir ay ku xaqiijiyaan in ay Hogaaminta dalka ay ku guulaystaan Murashixiinta  Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi iyo Eng C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici .

4: Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse waa Wasiir hal adag oo ka difaaca Dhaliilaha ay Siyaasiyiinta Mucaaradku ku weeraraan  Madaxwaynaha, Xukuumada iyo Murashaxiinta Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye  isagoo Ganafka ku dhufta eedahaa .

Isku soo wada duubuu Wasiirka Wasaarada Warshadaha Shucayb waa Siyaasi ku suntan Guusha la filayo in ay ka soo hooyaan Murashaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Doorashada Madaxwaynaha ee soo socota .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here