Waa kuma Emmanuel Macron ?

0
525

Waa kuma Emmanuel Macron ?

 

Hargeysa-Hargiesapress -Emmanuel Macron waa 39 waxaanu noqonayaa taariikhda Faransiiska madaxweynihii ugu da’da yaraa ee Madaxweyne ka noqda dalka faransiiska .

Goobaha codbixinta isla maalintii axadii waxaa kagu soo xidhmeen inuu Emanuel Macron ku hogaaminayo 60% halka marine le pen haysatay 40% , kala saraynta ayaa waxay ku filnaatay in uu codka xoogiisii uu helay Macron sidaana ku yahay Madaxweynaha Farnsiiska .

Madaxweyne Macron wuxuu kasoo baxay school la yidhaa National school of Administration oo soo saaray hogaamiyayaal ushaqeeya qarankooda ugu yaraan ilaa 3 madaxweyne oo faransiiska soo hogaamiyay ayaa hore uga soo baxay.

Wuxuu ahaa Madaxweynihii hore Holland Wasiirkiisii dhaqaalaha iyo sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay Bangiga Rothschil iyo Cie bank kasoo shaqeeyo waxaanu ka qabtay bangiyadaa maamul wanaagsan oo dib u habeeyay hawlihii shaqo guulna ku gaadhay waana awoodaha dabada ka riixayay ilaa uu soo gaadhayay Madaxweynaha faransiiska.

Wuxuu ahaa nin ku cusub saaxada siyaasada dalka faransiiska laakiin wuxuu dadkiisa tusay inuu yahay nin ku haboon jagada marka loo eego khibrada uu kula jaanqaadi karo dhibta dalka taalay iyo ta yurub,wuxuu aad uga soo horjeeday cunsurinimada waxaanu aaminsanaa in dadka reer faransiis hal mid yihiin,muu ahayn nin caadaystay in dad si gaar ah loo tilmaamo sida muslimka .

Wuxuu awooda campaign saarayay sidii uu dhaqaalaha dalka kor u qaadi lahaa, shaqo abuur u samayn lahaa, wuxuu noqonayaa nin muddo yar siyaasada kusoo jiray laakiin hankiisii iyo khibradii daacadnimadiisiiba ku hantay inuu noqdo madaxwaynaha faransiiska.

Doorashadani waxay fursad wayn u ahayd oo daawanayay midawga yurub iyo aduunka kale oo dhan waxaanay farxad galisay midawga yurub oo kasoo horjeeday in marine le pen soo baxdo maadaama cunsurinimo ay ku kaambayngaraynaysay.

Turjumida: Ahmedyasin Sh Omar Ahmed

Source AljazeeraEnglish

LEAVE A REPLY