“Waa Ayaa-daro In Agoontii Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Dibadda Loo Tuurayo…” Sheekh Aadan-Siiro

0
1366

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay isla-markaana faahfaahiyey dhibaatooyinka Aakhiro iyo Adduunkaba ka dhasha DULMIGA lagula kaco Dadka Jilicsan.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu si gaar ah khudbaddiisa ugaga hadlay Agoontii uu ka tagay Alle ha u naxariistii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale, oo Xukuumaddu doonayso inay Xoog kaga wareejiso Guriga ay deggan yihiin oo ku yaalla Hargeysa, kaasi oo Sheekhu sheegay inuu wakhti hore ku wareejiyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shareecada aad aragteen ee Boqollaalka Xadiis iyo 30-ka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah waxay u yimaaddaan inaan Qofka Bani-aadamka Diintiisa la dulmiyin, inaan Maalkiisa la dulmiyin, waxay u yimaaddaan inaan Qofka Bani-aadamka ah Caqligiisa la dulmiyin, waxay u yimaaddaan inaan Qofka Bani-aadamka ah Cirdigiisa iyo sharaftiisa la dulmiyin, waxay u yimaaddeen inaan Qofka Bani-aadamka ah Dhulkiisa iyo halka uu deggan yahay aan la dulmiyin.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY