“VOA”Warbaahinta Afka soomaliga ku hadla qaarkood oo dagaal qaawan ku haya jiritaanka Dawladda somaliland

0
1591

Hargaysa(hargeisapress) Warbaahinta Afka soomaliga ku hadla qaarkood oo dagaal qaawan ku haya jiritaanka Dawladda somaliland gaar ahaan Idaacada VOA ayaa soo bandhigtay muuqaal sawireed ay ku muujinayso khariirada maamul goboleedka puntland waxay sawirkaasi si xad gudub ah u sawiraysaa gobollada sool iyo sanaag inay ka tirsan yihiin maamul goboleedyada puntland ee dawladda somalia ka midka ah dagaaladani waxay ka mid yihiin dagaalada tooska ah ee ay dawladda soomaaliya kusoo qaaday jiritaanka dawladda somaliland.

The New Political Tactics of Somalia to Destabilize Somaliland’s Independence … Mawduucan oo uu qoray Muwaadin reer somaliland ah oo layidhaahdo Muuse Jeex taariikhdu markay ahayd january 05 2018 ayaa wuxuu kaga hadlay siyaasada cusub ee farogalinta ah ee dawladda somalia ee farmaajo hogaaminayo,waxaa isoo jiitay qodobadda uu kusoo qaatay ee xiligaas taagnaa iyo saadaasha iyo fariinta digniinta ahayd ee ku wajahnayd in muwaadinka reer somaliland iyo siyaasigiisuba difaac ka galo waxaa ka mid ahaa waxyaabaha uu ku doodayay. Following the peaceful Presidential election in Somaliland last year, the Somalia’s federal government is using new political tactics to create instability in Somaliland where it sent its federal minister of planning to the eastern districts of Sanaag region, which Puntland claims but belong to Somaliland. The last visit of federal minister to Somaliland territory is a signal of a political intervention for which the Mogadishu administration is conspiring on Somaliland’s political stability in the region. ” doorashadii sida dimuqraadiga ah ee nabada ku dhacday oo indhaha caalamka oo dhanna soo jiidatay Ka bacdi dawladda federaalka ee somalia waxay bilawday farsamo siyaasadeed khatar ku ah xasiloonida Dawladda somaliland waxay soo dirtay wasiiro deeganada gobollada sanaag hoos yimaada waxay talaabooyinkaasi ahaayeen dhanbaal faragalin ku ah dawladda somaliland.

Hogaaminta farmaajo waxay awooda saartay sidii ay cadaadis badan usaari lahayd awoodaha caalami ee dawladda somaliland taageera waxay ku bixinaysaa arimahani si ay ugu suurto galaan Maaliyad xoogan gaar ahaan waxay lacagta doorkeeda ugu badan ku bixinaysaa warbaahinta caalamiga ah Sida VOA, hadaba ka muwaadin ahaan mid dibad jooga iyo dal joogaba waxaan ku wargalinayaa inay arintani ku baraarugsanaadaan kana warbixiyaan sida ay uga xun yihiin in warbaahinta xorta ah loo isticmaalo hub lagu burburiyo xuquuqda bulsho leedahay.

Dawladda somaliland waxaan ku wargalinaynaa inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado sidoo kale dacwayso Idaacada VOA Laanteeda afsoomaaliga ku hadasha.

Qalinkii:Ahmedyasin sh omar ahmed Furre

Ahyaseen216@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here