Uur Cadde Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aankiii Ka Soo Baxay Gudida Fulinta Xisbiga Waddani

0
1607
Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maxamed Cabdilaahi Uur Cadde oo ay shalay gudida fullinta ee xisbiga W  ADDANI Shir ay isugu yimaadeen xilkii iyo xubinimadii xisbigaasiba banaanka kaga dhigeen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaasi.

Maxamed Cabdilaahi Uur Cadde ayaa sheegay in aan aanu aqbalayn xilk ka qaadista lagu sameeyay.

Mr. Uur Cadde oo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi “Arrintaas uu guddoomiyuhu soo abaabulay waxa ay ahayd qayrul sharci, umana hogaansamayo, mana ogoli waxa aan yeeli doonan gadaal baan ka sheegi doonaa.

Laakiin waxa aan idiin sheegayaa in aanu arrinkaasi sharciga Xisbiga meelnaba ka waafaqsanyn.” Ayuu yidhi

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here