Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Digniin U Diray Wariyeyaasha Somaliland

0
1013
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Hargeysa , (HargeisaPress) —Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa digniin u diray weriyeyaasha kala duwan ee ka hawlgala Somaliland iyagoo weriyayaasha uga digay inay wax ka duubaan dadka hurinaya colaada ka taagan deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Fariin qoraal ah oo ururka suxufiiyinta Somaliland ee Solja ku soo  diray telefanada gacanta ayuu ku sheegay in weriyayaasha looga digayo inay wax ka duubaan dadka hurinaya colaada ka taagan deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Fariinta ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa u dhignayd sidan “Digniin – Ururka SOLJA waxa Uu Uga Digayaa Wariyeyaasha In Aanay Waxba Ka Soo Duubin Dadka Hurinaya Dagaalka Ceel-Afwayn Ee Ku Abaabulaya Beelaha Inay Dagaalamaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here