Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo Warsaxaafadeed Kasoo Saarey Magacaabista Gudida Culimada

0
2273
Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxaanu si kooban ugu hadlay magacaabista gudida culimada Somaliland  ee u magacaabay madax waynaha jamhuuriyada Somaliland .

Gudoomiyha ururka qareenadu isaga oo warsaxaafadeedkiisan kaga hadlay nidaamka loomaray magacaabista gudida culimada in aanay waafaqsanay  dastuurka jamhuuriyada Somaliland  iyo sida uu xeerku dhigayo.

Habka loo  magacaabay maaha mid waafaqsan dastuurka jamhuuriyada Somaliland waana mid ka hor imanaysa dastuurka qarank jamhuuriyada Somaliland isla markaana jidaynaysa masuuliyad daro  ka timaada ku dhaqan la aanta dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Habka loo magacabayo gudida culilmada waxa tilmaamaya  Qodobka  119 aad ee dastuurka qarank jamhuuriyada waxanu u dhigan yahay sida tan

QODOBKA 119 ee dastuurka

Magacaabista  Xubnaha  Gudida  Culimada  1- Xubnaha guddida culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo

golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabadan gudidan culilmada  waxaa xaq u  leh Gudi  isku dhafa oo ka kooban golaha xukumada iyo golaha guurtida oo  ah tiro  is le  eeg  ah  waxana  an sixinaya golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland.    Hadaba madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland uma laha  awood u ku magaacaabo gudida culimada jamhuuriyada SomalilandMagacaabista Gudidanina waa qayruldastuuri.

Sidoo kale magacabista gudidani waxay khilaafsantahay QOD 116 ee dastuurka jamhuriyada Somaliland  oo si cad u tilmaamaya tirade xubnaha ay noqonayaan gudida culimadu oo ah 11 xubnood  balse tirade xubnaha  madaxwaynuhu magacaabay oo ka kooban 12  xubnood taasi oo khilaafsan QOD 116. Sharci ahaana ay khalad tahay in la magacaabo tiro  buuxda sababtoo ah gudidu waxay go aanada ku gaadhaysaa  cod  hal dheeri ah.  Kuna meel marayaan go aamadoodu balse tiradan madaxwaynuhu waxay abuuraysaa khilaaf iyo muran dastuuriya.

Sidoo kale wax yaabaha ka reeban  gudidan culimadu  dastuuriga ah in aanay ka tirsanayn hayada ama gudi  kale oo qaran sida uu tilmaamayo qod 118 dastuurka jamhuuriyada Somaliland   magacaabistan madaxwaynaha waxa  ka muuqata in ay khilaafsantahay qodobanka 118    dastuurka jamhuuriyada Somaliland    waxana magacaabistiisa ku jira xubno ku jira gudiyo kale oo dastuuriya ah sida gudida cadalada ee jamhuuriyada Somaliland

hadaba waxa jirta in aan xukumada Somaliland ixtiraamin kuna  dhaqmin dastuurka jamhuuriyada Somaliland  mudooyinkii u danbeeyeyn  go aamadii ka soo baxay xukumada jamhuuriyada Somaliland  ay khilaafsanaayeen dastuurka jamhuuriyada Somaliland  hadii aanay xukumadu  dastuurka jamhuuriyada  Somaliland ee ay xilka ku hayaan.   Waxa ka dhalanaya   masuuliyad daro  sababi karta maamuuska xayuubin.

Sidaa darted ururka qareenadu waxay xukumada ku waaniyanaa in la  ilaaliyo laguna dhaqmo dastuurka  qaranka iyo xeerarka kale ee ka farcama,.

Waxanan ugu digaynaa xukumadu in ay caadaysato go aamo noocan oo kale ah oo qayral dastuuriya. Gudidana waa in loo maro  qaabka u tilmaamayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland  waxa kale oo aan ku wargalinayaa golaha guurtida in ay waajibaadkooda ka  gutaan gudidan qarul dastuuriga ah  oo ay tilmaamaan qaabka loo soo xuluyo iyo cida  xaqa magacaabida leh.

ALLah  Mahad  Leh  

Mohamed Mohamoud Hashi

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland  

LEAVE A REPLY