Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Garyaqaan Xasan Cali Xasan – Banfas Oo Hooyadii Ku Geeriyootay Hargeysa

0
3156

Gudoomiyaha iyo dhamaan xubnaha Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Garyaqaan Xasan Cali Xasan – Banfas oo ay hooyadii ku geeriyootay magalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-kii November 2017. Waxaanay marxuumada Illaahay uga baryayaan in uu naxariistii janno ka waraabiyo qabrigana u waasiciyo.

Waxaanay ogeysiinayaan dhamaan xubnaha Ururka Qareenada Somaliland iyo asxaabtaba in marxuumada lagu aasi doono xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa maalinta bari ah ee taariikdu tahay 14-ka November 2017 abaaro 11:30 subaxnimo.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumada  Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ay ka baxdayna Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin

INAA LILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here