Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo si adeg ugu jawaabay Garyaqaanka guud ee Qaranka

0
1414
Gudoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Waxaanu  jawab kooba ka bixinayna warsaxafadeedkii uu soo saaray Garyaqaanka guud e Qaraenaku 12\6\2017 kaasi oo ay warbaahintu sii daysay warsaxafadedkaasi oo uu garyaqaanka guud ku caddeeyey  inaanay jirin guddi culimo oo uu madaxwaynuhu magacaabay balse uu madaxwaynuhu magacaaabay guddidi soo xulaysay guddida culimadasi oo ka kooban 4 xubnood laba guurtida ah iyo laba xukumada ah.

Guddomiyaha ururka qarenada Somaliland isaga oo ka jawaabaya waxa uu yidhi sidan

Horta magacaabitanka guddida culimada waxa lagu baahiyey warbaahinta madaxbaanan dadkoo dhamina way akhristen waxa kale oo lagu baahiyey bage face booga e afhayeenka madaxtooyada waxaana warbahintu soo qortay xubnaha guddida culimada oo ka kooban 12 xubnood oo magaca agaasimihoodii wata, qaar ka mid ah guddida culimada e la magacaabay baa BBC da la xidhiidhay oo sheegay inay iska casileen  , sidoo kale wasiirka diinta iyo awqaafta oo shir jaraaid qabtay waxa uu shaaciyay in gudidadaa culimada madaxwaynuhu magacaabay ,waxaanay ahayd arin ay si cad warbaahintu u baahisay 10\6\2017 oo garyaqaanku aanuu sinaba ku qarin karayn magacaabistan.

Waxa kale oo xusid mudan in gudi marka lamagacaabayo caqli ahaan iyo sharci ahaanba  xubno is le,eg la magacaabi karin ee tiro dhiman laga dhigo taasina ay tahay khalad sharci oo cad haddii xuno isleeg la magacaabana waxa la abuuraya muran iyo buuq oo waxba lama soo kordhin aan buuq ahayn.

Warkaasi anaga warbaaahinta ayaa noo soo gudbisay warbaahintuna waxay ka mid tahay meelaha ay dadwaynuhu ka helaan warka , haddaba haddii aanay jirin magacaabista guddidu waxay ahayd inay beeniyaan oo ay yidhaahdan ma jirto wax aanu magacownay manay beenin waxa kale oo warbaahinta ka hadlay una xaqiijiyey magacaabida guddida wasiirka diinta iyo awqaafta, aniguna waxaanu kaliya tilmaanay sharciyada loo marayo magacaabida guddida culimada oo khilaafsanayd dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Arinta kale e uu sheegay garyaqaanka guud e ah in madaxwaynuhu magacaabay guddidii soo xulaysay guddida culimada waa arin iyana qayra dastuuri ah sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod.119 e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland guddida soo xulaysa guddida culimada waxa soo magacaabaya xukumada iyo golaha guurtida xubnaha ka imanaya golaha guurtida waxa soo xulaya golaha golaha guurtida waxaana lagu soo xulaya fadhi gole oo golaha guurtida ayaa ka fadhiisanaya xataa shirgudoonku ma soo xuli karo waayo Qod 119 e dastuurku wuxu sheegaya gole erayga golena waa layaqaan sharci ahaan waxa uu yahay waxaana lagu magcaabaya fadhi gole laakiin xaq uma laha madaxwaynuhu inuu magacaabo guddida e waxa kaliya oo uu soo magacaabaya xubnaha ka socda dhinaca xukumada e golaha wasiirada waxaanu qodob u dhiganyahay sidan

QODOBKA 119

Magacaabista  Xubnaha  Gudida  Culimada

1- Xubnaha guddida culimad waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabida Guddida culimada waxa ka horeeya in la sameeyo  xeerkii lagu maamulayey guddi culimada sida ay tilmaamayan Qodobada 12,122 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa sharci ah in hayad kasta oo dastuuri ah lagu aas-aaso xeer oo ka hor inta aan la magacaabin xubnaha xeerkoodii la sameeyo waana qayra sharci in la magacaabo iyada oo aan la samayn xeerkii lagu maamulayey Guddida  Culimada

Garyaqan guud na waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso e maaha in lagu yidhaa difaac wax qayra dastuuri ah oo aan marka hore lagaala tashan.

Waxaana jirta in aanay dowladu wada socon e ay kala socoto waayo haddii aanay jirin magacaabitan ha loo yeedho oo garyaqanku ha u jawaabo masuuliyiinta xukumada ka tirsan e warkan baahisay ooh ala saxo nidaamka xukumada.

Ugu danbayn waxaan leenahay anagu madaxwaynaha wax aan jirin kamaanu sheegin mana jeclin inaanu dheecayno waayo wuxu huwanyahay madaxwaynuhu sharaftii iyo karaamadii ummada reer Somaliland balse kaliya waxaanu tilmaamayna uun sifa sharciga ah in la dabaqo waayo ceebay nagu tahay in dastuurka la ixtiraami waayo oo aan la dabaqin markastana waxaanu urur ahaan u taaganahay dabaqaad iyo saraynta sharciga.

Xukuumadana waxaanu ku waaninayna inay ixtiraamto sharciga oo ay dastuurka qaranka dabaqdo iyada oo ay jiraan khaladaadyo badan oo qayra dastuuri ah oo ay xukumadu qaaday sannadkii u danbeeyey e 2016 ka.

ALLah     Mahad       Leh  

Mohamed Mohamoud Hashi

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland  

LEAVE A REPLY