Ururka Dhalinyaradda Ceel Afweyn Oo Baaq Soo Saaray

0
706

Ceel Afweyn (Hargeisa Press.com): Urur ay ku midoobeen dhallinyarada labada beelood ee ku dagaalamay Ceel-afweyn oo la magac baxay Nabad-doon, ayaa  soo saaray baaq nabaded oo ay u dirayaan labada beelood ee ay ka soo jeedaan dhallinayarada ururkaas ku midoobay.

Dhallinyaradan oo maanta  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceel-afweyn ayaa soo jeediyay in lagu daydo oo gacmaha la is qabsado isla markaana colaadda nabad lagu bedelo oo la soo celiyo walaalnimadii iyo wada dhalashadii labada beelood.

Dhallinyarada ku midawday ururka nabad-doon oo ka hadlayay shirkaa jaraa’id, ayaa yidhi “Waxaanu nahay dhallinyarada labada beelood ee Ceel-afweyn waxaanu doonaynaa in nalagu daydo oo sidaas oo kale gacmaha la isku qabsado waayeel.

Dhallinayro iyo haweenba, haddaanu nahay dhallinyarada labada beelood ee ku midoobay ururka nabad-doon waxaanu ka afeefanaynaa in aanay naga dambayn cid siyaasad ku lug leh ama dano gaar ah dabada ku haysaa.

Haddii ay asxaab tahay iyo hadday xukuumad tahay midna gaar uguma xidhnin laakiin waxaanu nahay dhallinyaro u midawday danta iyo nabadda gobolka Sanaag”.

“Waxaanan soo dhawaynaynaa cid kasta oo nabadda nagala shaqaynaysa oo gacan ka gaysanaysa aragtidooda iyo fikiroodaba in ay nagu caawiyaan. waxaanan soo jeedinaynaa ciddii aan nabadgelyada wax nagala qabanaynin in ay hadalada colaadda leh uun naga daayaan oo ay naga joojiyaan hadalada waxyeelada ku ah nabadgelyada gobolka Sanaag” ayuu yidhi mid ka mid ah dhallinyarada ku midoobay Nabad-doon.

Sidoo  kale xubin kaloo isna af-ka dhallinyaradaa ku hadlayay ayaa  fariin u diray beelaha walaalaha ah, waxaanu yidhi  “Walaalayaal dhallinyaro ahaan wax nagaga dhegaysta oo dhiiggayaga daadanana ee aan ka dhiidhiyayno wax nagaga dhegaysta oo nabadda aanu wadno wax nagaga dhegaysta.”

Geesta kale baaqan ay soo saareen ururkan ay ku midoobeen dhalinyaradda Ceel Afweyn  waxa kaloo ay shirkoodda jaraa’id kaga hadleen colaadda gaamurtay ee dadka badan galaafatay ee ka dhex taagan beelaha wada dega Ceel Afweyn.

“Colaadda guunka ah ee dhex martay labada beelood ee walaalaha ah ee haldoorkii iyo labeentii labada beelood ku baxeen waxaan leenahay hala joojiyo waxaan leenahay toloow colka jooja oo nabad ku bedela.

Annagoo ah dhallinayardii labada beelood ee Ceel-afweyn ee mustaqbalka u hadhayay ee waxani ay saamaynta dambe ku yeelanayeen”ayay yidhaahdeen dhalinyaradda Ceel Afweyn.

Iyagoo fariin iyo dar-daaran u dirayay bulshadda Ceel Afweyn, waxay yidhaahdeen  “Waxaan leenahay nabad ku bedela colaadda oo dhaxal wanaagsan oo wax noo tara nooga taga,  oo walaalayaal sidaa aanu annagu gacmaha isku haysano ee aanu u midaysannahay u midooba.

Sidii aynu hore u ahaan jirnay,  ee aynu ul iyo diirka isugu ahayn aan soo celino,  oo waxgaradku ha shaqeeyo oo caqliga wanaagsani ha shaqeeyo,  oo tusaale naga dhigta sidaa aanu u midaysannahay ee aanu gacmaha isku haysano aanu idinka aragno.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY