UK Oo Ka Hadashay Booqashadii Xoghayahoodda Gaashaan-dhigu Ku Yimid Somaliland

0
1044

Hargeysa(Hargeisa Press): Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa ka hadashay booqashadii uu shalay Hargaysa ku yimid xoghayahoodda Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson.

Sida lagu baahiyey warbixin lagu daabacay maanta shabakadda Wasaaradda Arrimaha dibadda UK, waxa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Gaashaan-dhiga Ingiriiska Gavin Williamson ay wadajir u  falanqeeyeen  ahmiyadda nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxa kaloo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriisku intaas ku dartay in  Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xoghaye Gavin Williamson ay isla soo qaadeen sidii looga gaashaaman lahaa argagixisada iyo kaalinta la tallineed ee millatariga UK siiyo ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Sidoo kale Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay inuu fursad u helay inuu la kulmo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo uu tilmaamay inay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Waxa kaloo uu caddeeyey inuu la kulmay qaar ka mid ah Saraakiisha Ingiriiska  ee jooga Somaliland.

 

Hargeisa Press

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here