Ujeedada Weftiyo Xukumadda Ka Tirsan Oo Ku Sii Qulqulaya Buuhoodle

0
707

Buuhoodle, (HargeisaPress) —Wefti uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa maanta gaadhay magaaladda Buuhoodle.
Wetiga Buuhoodle gaadhay ayaa ka qayb galaya caleemo saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo maalinta barri ah lagu caleemo saari doono magaaladda Buuhoodle, waxaana si weyn waftiga ugu soo dhaweeyey magaaladda Buuhoodle dadweynaha deegaanka.
Wasiir xigeenka Warfaafinta ayaa saxaafadda u sheegay in si heer sare ah u qaabishay Weftiga uu ka midka yahay islamarkaana uu si aada ugu mahadcelinayo.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Axmed ayaa shalay isagu gaadhay magaaladdaasi, waxaanu dadweynaha Gobolka ugu baaqay inaanay siyaasadayn xafladda dhaqan ee Garaadka lagu Caleemo saarayo, isagoo ugu baaqay xafladda ka bacdi inay deegaanadooda ku noqdaan siyaasiyiinta maamul Goboleedyada kale ee kala qayb galayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here