Ujeedada Socdaal Uu Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe Uu Ugu Baxay Maanta Dalka Ingiriiska

0
777

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Wargeysyada xukuumadda Siilaanyo albaabada u laabta ee Haatuf iyo Somaliland Times mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa maanta galabnimadii u safray dalka Ingiriiska.

Mr Gaboobe ayaa isagu socdaalkiisaas lugta hore kusii mari-doona waddanka Sucuudiga oo uu u tagayo arrimo caafimaad, kaas oo  mudooyinkii u danbeeyey la xanuunsanayey dhaawacyo  soo gaadhay xiligii ay xidhnaayeen isaga iyo tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige.

Intaas ka dib Guddoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sida qorshuhu yahay socdaalkiisa Sucuudigu ku ekaan dooonaa inta ay arrimahaasi caafimaad u dhamaanayaan, isagoo dalkaasina uga sii gudbi doona wadanka Ingiriiska.

Yuusuf ayaa sidoo kale ujeedada socdaalkiisa Britain uu ku taxaluqaa marti-qaad uu ka helay Jaamacadda dunidda caanka ka ah ee Oxford oo dhawr jeer oo hore-na sidan oo kale uu uga helay marti-qaad.

Guddoomiyaha Haatuf Mr Gaboobe ayaa isagu Jaamacadda Oxford ka jeedin doona muxaadiraad ku taxaluqa mushkiladaha ay wehelka u tahay warbaahinta Somaliland iyo guud ahaan ta saxaafadda Geeska Afrika-ba.

Sidoo kale Mulkiilaha Haatuf Mr Yuusuf ayaa dalka Ingiriiska kula kulmi doona saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’addaha u dooda madaxbanaanida saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka, kaa soo la filayo inuu u soo bandhigi doono gumaadka iyo tacadiyada badan ee xukuumadda Siilaanyo kula kacdo warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland, taas oo mudadii ay taladda dalka haysay albaabadda u laabtay markii u horaysay xaruumo warbaahineed, isla markaana xidhay wariyeyaashii ugu badnaa mudadii ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa la filayaa mudada uu joogo dalka Ingiriiska inuu kulamo la yeesho jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, kuwaas oo uga warami doono sida qorshuhu yahay xaaladaha dalka ka taagan, una soo bandhigi doono sida ay u maamusho xukuumadda Kulmiye oo jaaliyadda dalkaasi taageero badan la barbar-taagnaan jirtay wakhtigii doorashadda madaxtooyadda.

                                                      

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY