Ujeedada Ka Danbeysa Muranka Dhulka U Dhexeeye Hargeisa..Salaxley

0
1305

Salaan ka dib sida in badan oo ka mida dadka reer Somaliland ay maqleen ama ay la socdaan waxaa jira muran ka dhex aloosan Maamulka magaalada Hargeisa iyo ka degmada Salaxley, murankaas oog aadhey in ilaa xad dawlada dhexe ay faraha la soo gasho. Hadaba murankaas oo aan sida muuqata weli laga gaadhin wax xala, ayaa waxaa fiican in la is weydiiyo khilfaakan waxa uu yahey, cida wada iyoujeedada khilaafka ama eelka khilaafka!!!!. Hadaba su’aalaha aadka u macquulka ah ee u baahan in la is weydiiyaa waxa ay yihiin. Waa maxey sababta ugu weyn ee khilaafkani ? Maadama aanujirin khilaaf la ogyahey oo ka aloosan degaamada kale ee Somaliland maxaa gaar u ah degaankan?. Haba la is khilaafe khilaafkan xundhurtiisu ma daneyn degaanka loo daneynayaa mise waa dano kale?Labada qolo ee is haya ma dhinac baa saxan, labaduba miyey saxan yihiin, mise labaduba wey khaldan yihiin ? Jawaabaha suaalahani ma aha qaar qof meel iska fadhiya ama aanarint abaadhini uu jawaabtooda la degdegi karo,hadaba maadama ay sidaa taheywaxaan ka qora aahaan daba gal iyobaadhitaan kusameeyay waxa la iskuhayo, cida khaldan iyo sababta degaankan ookeliya uukhilaafkiisu dibada ugu soo baxey, iyadadoo degaamadii kale aaney wax qeylo ahi ka taagneyn Bari iyo Galbeedba Salaxley waahalkee waase Maxey? Juquraafi ahaan Degmada Salaxley waxey geesta koonfureed ka dhacdaa magaalada Hargeisa una jirtaa qiyaas ahaan 70 Km, waxaana degmada hoos yimaada dhu balaadhan oo ka xiga koonfur, waqooyi, Bari iyo qiyaas yar oo galbeedka ah.SiyaasiyanSalaxley marhadii ay degmo tahey waxey eedahey Mayer, iyo gole degaan oo dadka degaansi si madax banaan u soo doortan. Marka Somaliland loo dareero codadaka golayaasha degaanka waxaa codka Salaxey ku xorood uu kabilaabma MasalahaHargiesa, taas oo macnaheedu uu yahey in muwaadankaka codeeya laga bilaabo Airportka Hargeisa uu codkiisu kudhaco Degmada Salaxley. Waxaan filayaa iney akhristow kuu cadaadtey in Salaxley xukunto codadka lag bilaaboa fkakoonfureed ee Airportka Hargeisa ilaa maansha Allah. Hada qabso oo waxaa la iskuhaystaana waa cida xaq u leh iney Maamumusho dhulka kadilaaca Airportka Hargeisa ilaa tuuladaToon… Faahfaahintaa kooban hadii ay waxa kaaga baxeen, suaalaha aynu is weydiiney jawaabahoodii oo macquula kusoodhawow. 1-Sababta ugu weynee Khilaafkani waa in la cun oama la boobo dhulka, ka bilaabma MadaarkaMagaalada Hargiesa ilaa laga gaadho intiiSuuq galeysa!!!!. Qiimaha dhulkana waxaa dhulka ka soo qaadey oo qaali ka dhigey wadada Laamiga ah isku xidheysa Hargeisa–Salaxley. 2-Degaankan waxa u gaara, oo khilaafkan sababaya khilaaf u dhexeeya qaar ka mida dadka hogaanka degaank ahormuudka u ah, dabcan cidii kale ee soo gasha ama khilaakan ku milanteyna waa cid garab kahaystak hilaafka u dheexaya hormuudka dadka degaKoonfurta Hargeisa iyo degaankan aynu ka hadleynaba!!!! Waliba waxaa arinta aad ugu ceebaysan Wasaarada Arimaha Gudahao okhilaaf kajira patrol iyo dab kus ii hurineysa!!!! 3-Khilaafka Xundhurtiisu ma aha mid habayaraate loogu daneynayo dadka degaanka gaar ahaan iyo guudahaanba Qaranka dhamaantii, Sida jawaabta kowaad sheegaysana waa booba yaa Wadani iyo maxaa maanta la cunaa!!!!! 4-Labada Qolo ee is haya waxaa 100% khaldan kuwa kudoodaya in dhulkani la isku hayo laga maamulayo Hargeisa, waxaana khaladkooda sida Cadeeda u cadeynaya meel aan codba uga imaniney iney yidhaahdan anaga xukumayna. WaxaanahortaalaaadxukuntedaSaxeex in codkahadhowkayimaadauu Hargeisa kusoodarsamo.Hadii kale madaama dadka meesha degan codkoodu Salaxley tagayo, dhulkana waxaa maamulamaya Maamulka degamada Salaxley Waxaan ku soogunaanadayaa talo ku socota dadkadegaankan muranku ka taaganyahey, talaadas oo ah iney is dhinactaagaan maamulkaDegamadaSalaxley oo aha ka xaqa u tagaan, taladalabaadna waa mid ku socota MaamulkaGobalka Hargeisa ilaamaamulada kale ee Qaranka taasoo ah in laga fikiro sidii loo joojin lahaa dhulkan qeydhinka laguqeybsanayo ee loo jeexayo nin shilimo yar laga qaadey, waa in laga fikiro Mutaqbalka umadasookoreysa, iyo kuwa dhalandoona. La iskana dhaafo in dhulkii laga dhisilahaa wax dadkai yo dalkaba anfaca loo Qeybiyo Hungi iyo maalin dagaal. Allamahadleh Osman Omar Dool Hargeisa Somaliland Osman Omar Dool <omardool1988@hotmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here