Ubax: ku aaway? – W/Q. Axmed-Deeq

0
184

Inta badan haasaawaha wiilasha iyo hablaha dhex maraa runna ma’aha, beenna ma’aha. Haddana waa wax malabka ka macaan oo aan nafta looga maarmin, oo ay ku harraad beesho, ku hammuun beesho, ku dararto, kuna doog dhabato. Hala basriyo mooyee, haddii la yidhaa: Hala joojiyana waxa soo baxa jiilal xidhiidhkooda bulsheed kala dhantaalan yahay, midkooda qofnimo daciif yahay, midkooda nololeedna cidhiidhi yahay.Sidaa darteed codka debecsan ee habluhu wuxuu dhegaha u yahay cullay, waxaanu nafta u yahay cawo; waxaanu caqliga u yahay carin. Halka midka ragga ee culusi wax walba u yahay hablaha haddii aanan qaldanayn. Ogowna inta badan qofka aan haasaawin wuu ka cadho iyo cunfi badan yahay midka haasaawa. Halka ka sheekaystaa uu ka fur furan yahay, ka farxad badan yahay, kana bulshaysan yahay midka aan dhankaa holin.kkkkkkkkkkkkkkk Sidaa darteed haddii aan gabadha ka helo naxariis yar iyo fariidnimo yar iyo kalgacal yar iyo hadalo yar oo dabacsan aniga wayba iigu dhan tahay. Intaas oo badan haddii aan ka helana faraha ayaaban kala raacaa oo miyir iyo maanba ma lihi waanan sixranahay. Sidaa darteed muddooyinkii aan qoraalka ka maqnaa waxaan ku jiray heehaabad iyo hawo caashaq. Oo Maqaaladii aan dhigi jiray, Dhalinta u hibeyn jiray, Dhig markan idhaahdaba, miduun bay dhawaaqdoo, Dhinacay timaadoo, Dhaanto ila ciyaartoo, Qosol igula dheeshoo, Dhag dhag ila wadaagta.Haddaba, caawa waa fiid horaad qabaw yari jiro. Dhulku waaba mugdi oo xidigihii wax lagu bidhiiqsan lahaa waxa isku gedaamay daruuro jaan oo aan garan waayay meel ay ka soo kaceen, iftiin naleedna horeba uma lahaan jirin meeshu. Sidaa darteed qofku marka uu kuu soo dhawaado ayuun baad kala garanaysaa nin iyo naag waxa uu yahay. Waxaan keliday kadaloobaa kaabad u dhaw sees yar oo aan kula balamay Ubax.Si baan u yara naxsanahay, ugana we wer sanahay waxay la daahday. Saacad iyo bar baa ka soo wareegtay xilligii aan balannay, welinna ma hayo. Hadba qof meel ka soo baxaya ayaan moodayaa, oo aan u istaagayaa, waanse ku hungoobayaa oo candhuuftayda ayaan dib u liqiyaa. Saacad iyo bar aad sugto qof aad jeceshahay sannad iyo bar kama yara dherer ahaan, saacad iyo bar uu kula joogaana daqiiqad iyo bar kama badna dherer ahaan. Sidaa darteed kacaa fadhiisiga waxa iigu wacan hilow aan u qabo arageeda iyo hammuun aan u qabo hadalkeeda iyo haraad aan u qabo iyada oo idil. Haddii ay ogaan lahayd dareenka kalgacal ee aan u hayo igama maqnaateen wallaahi. Tolow maxaa ku dhacay? Ma beentii ay awelba ku soo bixi jirtay baa ka dhamaatay? Ma adiga deg degsan ee way soo socotaa? Mise wayba kuu jartay?. Haddiise ay kuu timaad kurayadii garacda ahayd ee aad eyda sumaysan moodaysay miyaad ka nabad geli doontaa caawa qash qashkooda iyo qaxarkooda? Miyaad aragtay magaalo idil oo aanad ku haasaawi karin? Waddankan iyo haasaawe isku kadeedanaa, malaha waxa loogu talo galay uun dadka waaweyn (Odayada iyo Habraha) inay ku noolaadaan, kuna dhintaan, laguna aaso? Miyaanay habboonayn in Beero lagu haasaawo la sameeyo oo mugdiga iyo madawga laga baxo, ama guryaha la ogolaado ama damaanad qaad iyo amni sugan lagu helo sees walba?. Waydiimahani ku talo gal la’aan bay maskaxdayda ugu soo dhacayaan, waxaanan arkayaa aniga oo ku cel celinaya, warcelin suganna u la’. Ugu danbeyn intan ka badan ma sii joogi karo, mana sugi karo waxanse leeyahay: Adaa Ubaxeey, Aniga i sixroo, Adaa anfaciyo, Hurdada anbiyoo, Adaa olol, Oogaday ku shidoo, Adaa hablihii, Iridka ka xidhee, Bal aan eego, Aayahayga danbe. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq) Email: awliyo177@hotmail.com 

LEAVE A REPLY