Tv-ga Qaranka, SOLNA Iyo Wargeysyada Dawladda Oo Masuuliyiin Loo Magacaabay

0
1333
Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), Magacaabis iyo Xil-qaadis ku sameeyay Masuuliyiinta Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo kala ah Telefiishanka Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa, Wargeyska DAWAN iyo Wakaaladda Wararka ee SOLNA.

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub ee Telefiishanka Qaranka (SLNTV) loo Magacaabay Muuse Faarax Jaambiir, Cumar Maxamed Faarax oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Wargeyska Dawan loo Magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SOLNA, halka Wargeysyada Dawladda ee DAWAN ka mid yahayna Agaasime looga dhigay Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ahaa Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal oo ka soo baxa Hargeysa.

Sidoo kale, Wareegtada ayaa waxa ku xusan in isku shaandhayn lagu sameeyay Agaasime-waaxeedyada Telefiishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa.

Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta oo dhamaystiran waxay u qornayd sidan:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here