Turkigii Somalia Raacye Maxaa u Talo ah Somaliland?

0
1318

maqal 4Haddaan run ku sheego tobankan shay, Turkigu maanu kala Raacin Somaliland iyo Somalia.

Waa suuro gal inay maskaxdaada ka guuxayso aragtida Islaamiga ah ee Turkigu horkacayo oo aan aniguba kugu raacsanahay, waa suuro-gal inaad la dhacsan tahay hoggaaminta Madaxweyne Erdogan oo aan aniguba kugu raacsanahay, waa suuro-gal inaad ku taageersan tahay sida uu Somalia u garab istaagay xilligii ay baahnayd taasna kugumaba diidani laakiin waxaan ku leeyahay haddii aan kugu qanciyo ama ku tuso toban shay oo dawladda Turkigu aanay daacad kaga ahayn Wadahadalada ay u waddo Somaliland iyo Somalia maanay gar ahayn inaad ka falceliso adigu, hadiise aad ku qanci weydo fadlan adigu baadhis same:

  1. Sunnaha nolosha haddii aad doonayso inaad laba qof dhexdhexaadiso, ka warran haddii aad midna dal iyo duunyo isugu darto midna qadiso, gartaadu dhexdhexaad ma noqonay? Turkigu wuxuu leeyahay dhexdhexaad Ayaan u ahay Somaliland iyo Somalia, waan wada hadalsiinayaa oo isu-keenayaa ama kala furdaaminayaa, haddana Xamar Waa markii labaad ee Madaxweynaha Turkigu booqdo, wuxuu ka hirgeliyey mashaariic tiro badan sida Garoon Diyaaradeed oo casri ah, iskuullo tiro badan, Cusbitaallo, Waddooyin iyo Dugsiyo Farsamo oo aan xad lahayn, waxaa intaas dheer wuxuu u tababaraa shaqaalaha dawladda oo geeyaa dalka Turkiga, wuxuu miisaaniyadda dawladda Somalia ku kabaa lacag caddaan ah, Tolow ma sidaas ayaa Turkigu dhexdhexaad ku yahay? Bal adba…!!!
  2. Somaliland qodobadii ay ka cabatay miiska wadahadallada waxaa ku jiray inay caasimaddeeda duqeeyeen ciidamadii Cirka ee Somalia, haatan Turkigu iyada oo aan arrintaas laga heshiin wuxuu markale tababarayaa Ciidamadii Cirka ee Somalia isaga oo Turkiga geeyey, taase tolow ma dhexdhexaadnimada Turkigaa mise waa hoosaasis Dawladda Turkigu waddo? Bal adba…!!
  3. Turkigu wuxuu leeyahay waxaan dhexdhexaad ka ahay wadahadalada Somalia iyo Somaliland waana dawladda marti gelisa, heshiisyada uu Turkigu goobjooga ka ahaa ee saxeexay waxaa ku jiray in deeqaha Caalamka loo sinnaado, laakiin waad aragtaan in mashaariicdii Turkigu ay Xamar soo dhaafi waayeen, tolow mashaariicda magaca Somalia lagu soo qaado maanay ku jirin kuwa Turkigu Bixiyo? Bal adba…!!!
  4. Somaliland waa nabad, sida maamul gobolleeda ka dhisan koonfurta Somalia ayaa Turkigu u soo diraa Safiirkooda, kaas oo isu soo mara Puntland, Koonfur Galbeed iyo Somaliland, isaga oo huwan magaca Safiirka Somalia, laakiin Somaliland waxay ku ixtiraamtaa magaca Diplomaasiyadeed ee uu sito haddana dawladda Turkigu kama xishooto in madaxdooda sare markay gobolka Yimaaddaan inay xamar keliya isku koobaan, oo haddii ay dhex ka yihiin siyaasadda la isku hayo maxaa xattaa ay u soo diri waayaan Wasiiradooda? Mise Somalia waxay innoo haystaan ‘uur-ku-jirtu hooyadeed ku gawracan’ dee malaha in loo caddeeyo weeye in meel Somaliland la dhaho oo nabdooni ay jirto oo Erdogan seexan karo isaga oo aan ciidamo ajnebi ahi ilaalinayn sida Djibouti iyo Ethiopia oo kale oo Erdogan uu booqday, laakiin fariintiisu waa caddahay waxay innala masaalayaan maamul-goboleedada ka jira Xamar, dawladdeenuna marar kala duwan ayay marti-qaadday, isna uu yidhi ama anaa iman ama wefti kale laakiin xaalka waad aragtaan.
  5. Haddii dawladda Turkigu Islaamnimo u jeedo tolow innagu maynaan Islaam ahayn mise Xamar keliya ayaa indhihiisu qanciyeen oo haddii ay saas tahay maxaa inna daba dhigay oo Turki loo leeyahay

Waxaase ayaandarro ah inaynu ku mashquulnay danaha gudaha waddankeena, inaynu ku qanacnay nabad ayaynu haysanaa, waxaan idin leeyahay haddii aad dunida la feker noqotaan waxbaad la qaysanaysaan, ka feker Cusbitaalka Xamar laga dhisay ee Dikfeer waxaa shan sano ku baxaysa lacag gaadhaysa 135 Million oo dollar taas oo sannadkii ka dhigan 26 Million oo dollar, bal ka soo qaad iyada oo saddex cusbitaal laga dhiso Somaliland imisaa ka shaqo heli lahaaaa? Ka soo qaad iyadoo saddexdi dugsi oo farsamo gacmeed la dhiso oo miisaaniyad intaas le’eki ku baxayso? Ka soo qaad iyadoo iyadoo iyadoooooooo ..,

Turkigii wuu badheedhee shacabka Somaliland ma ka raalli baa sidaas.

Mohamed Hassan

MA International Relations

Los Angeles, USA

LEAVE A REPLY