Turkiga oo 505 Ceel Biyood ka Qoday Dalal Afrikaan ah oo Somaliland ka mid Tahay

0
917

ANKARA— Dawladda Turkiga ayaa daboolka ka qaaday inay  Ceelal biyood oo tiradoodu tahay 505 Ceel ka qoday dalal ku yaalla Afrika oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si ay biyo nadiif ah u helaan 1.8 Milyan oo qof oo ku nool qaaradda Afrika.

HargeisaPres,ayaa ka soo xigatay Warbaahinta Turkiga oo sheegtay in Turkigu ceelal biyood ka hirgeliyey dalalka Afrika ee ay ka mid yihiin Niger,  Maali, Burkiino-faaso, Murataaniya, Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasaaradda  Beeraha ee Turkiga ayaa xaqiijisay in hirgelinta ceelashaas ay kala shaqeeyeen Hay’ado iyo Ururo laga leeyahay dalka Turkiga. 505 ceel biyood ee  dawladda Turkigu ay  ka qoday Afrika waxay  258 Ceel oo ay ka qoday dalka Niger, halka ay Murataaniya ka sameeyeen 102 ceel biyood.

Sidoo kalena waxa Waddanka Burkiino-faaso ay  ka sameeyeen 84 Ceel biyood,  waxa kaloo ay  dalka Maali ka hirgeliyeen 36 ceel biyood.

Wasaaradda Beeraha ee Turkigu waxa kaloo ay caddeysay  inay Jamhuuriyadda Somaliland ka qoday 5 Ceel-biyood, halka ay dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen  Labaatan Ceel.

Dawladda Turkigu intaas ku dartay inay ceel tijaabo ah ka sameysay dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Jabuuti, halka ay khubarrada dhinaca biyaha ee dalalka Itoobiya iyo Tuuniisiyana ay ku soo tabobareen Turkiga.

Wasaaradda Beeraha ee Turkigu waxay  laba u kala saartay mashaariicdii biyaha ee ay ka kala fuliyeen Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii xukuumadda Somaliland  hore ugu eedeysay in Turkigu la safan yahay dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya.

https://somalilandpress.net/2019/07/27/turkey-drills-more-than-500-water-wells-in-africa/

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here