Trump Oo Ku Dhawaaqay In Maraykanku Ka Baxay Heshiiskii Isbeddelka Cimilada Adduunka

0
891

Washington, (HargeisaPress) —Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka.

Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxuu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgeed.

Wuxuu sheegay inuu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh, laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore, Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxeexay ayaa sheegay waxa maamulka Trump diidan yahay waa mustaqbalka fiican.

Obama waxa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoonyahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hoggaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.

Maraykanka ayaa ka mid ah Dalalka Adduunka ee ay ku yaallaan Warshadaha ugu waaweyn ee Qaaca badan ku sii daaya hawada.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here