Togdheer: Hay’adda ARC Oo 350 Qoys Caawimo U Qaybisay

0
655

Gebagebo (Hargeisa Press.om): Hay’adda maxaliga ah ee ARC oo kaashanaysa hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan qoxoontiga ee UNHCR ayaa maanta 350 qoys oo ku nool xaafadda Gebagebo oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Qoysaskan caawimadda loo qaybiyay ayaa ka mid ah dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobab xoog lahaa oo todobaadyadii tegay ka da’ay gobolka Togdheer.

Waxaana qoysaskaasi loo qaybiyay agabka wax lagu cunno iyo kuwa aasaasiga u ah nolosha qoyska.

Iyadoo masuuliyiinta hay’adda ARC iyo UNHCR ay sheegeen in ay  ka jawaabayaan baaqdyo dalab caawimo oo hore uga soo yeedhay qoysaskaasi.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here