Tixda Miski: Xasan Ganey Nolosha Dhabta ah ayuu Doortay W. Q: RASHIID GADHWEYNE

0
270

Weligeed ba suugaanta Soomaalidu way taqaannay qofayn ama wax aan dad ahayn oo laga hadliyo.  Oollinta lama-taabtaanku na ka ma wada maqnayn.  Maahmaahda tidhaa “Illayn” ama “illeen talo isu ma kaa sheegto” ayaa u tusaale ah oo taladii ayey ka dhigeen wax nool oo meeljoog leh oo hadlaya.  Wax badan oo ah habardugaag hadlaya oo sida dadka u dhaqmaya, ayaa suugaanta Soomaalida ka buuxa.  Xasan Ganey, sida ay ila tahay, tan horteed ba, dheeraad buu taas ku lahaa.  Weliba asagu ka ma hadlin oo keli ah ee ma-noolaha wuu ba la hadlay.  Tusaale ahaan, tixdiisa Dhegdheer (1982kii), geedka dhillowyanka oo ay suugaanta Soomaalidu, badi ba ugu sarbeebato deriskunoolnimo, toos buu u la hadayaa oo waxa uu ku odhanayaa:

Adigu na dhillowyahan

Dhirta aad ku marantahay

Dhaqan la ma wadaagtide

Haddaad xididdo dheertahay

Dhoobadaa Ilaahay

Rarka meel ad dhigatiyo

Dharroor maad ka daydayan?!

Tusaale kale oo kooban na, tixdiisa Carceer, waxa uu la hadlayaa ma-noolaha ceeryaamada oo uu leeyahay waxa aad quudhsatay cadceed aad dhulka iskaga gudubtay, ka dibna aad wax isku moodday. Wuxuu yidhi:

Qorraxda ceeryaamoyahay,

Canaanta u jeedisaa;

Cadceedda dulmaa qarshee,

Ciirow waa baa caddaan.

Duur-xulka afartan meeris, waxa uu dhacayaa cid uun been wax isku moodday; waa se meel aynaan hadda u dan lahayn oo intaas u dhaafi mayno.  Ma se cusba oo Xasan iyo qayrkiiba ka hadliye mayeedhaanka, noole iyo manoole ba; halkanse asagu waa uu la hadlay.  Tixdan Miski waxa jira hirkicimo suugaaneed oo aan labadaas midna ahayn, Xasan na aan looga horrayn.  Waxa uu goob iyo gelbis isugu keenay midabbo badan oo ah cadrado hablood,   midkood waliba na ay meesheeda u goonida ah ku qurux leeedahay.  Waxa uu ku gaafayaa daruuraha cirka iyo xiddigaha; waxa uu ka arbaynayaa dayaxa oo guurumeer ah.  Haasaawaha iyo deexashada midda uu ka calmado, ayuu uga sii xiisayaa oo uu gaashaynayaa.  Waa la hashiiyey oo aroos aan meher iyo macsi mid na lahayn, la na muraad seegin, baa u dhacaya oo waa lagu reeyey.  Maxfalkeeda ayeynu daawanaynaa.  Xiddigaha ayaa ka milxiisaya oo arooska ka mashxaradaya; daruuraha ayaa gelbinayaa oo onkodka ayaa muusigga u tumaya.  Waxa uu Xasan ina soo hordhigayaa oo aynu ku ashqaraaraynnaa gaafaan suuro gudban ah oo aynu ka daawanayno adduun ka koobma dabbaaldeg midabbo ah:

Dayaxooy soddon midab macsuumeen oo;

Daruuro malaasan meegaartoo

Caddaan u muquurtay maariinoo,

Maydhaan ku sameeyey muuqiiyoo,

Miskeed yidhi sagal macaan badanoo,

Mareego ku yeeshay madaxii iyo

Miliilicay maydal qoor dheer oo

Cagaar magansaday mucda u galay oo,

maamuusay madow qardhaaso leh oo

Ximir aan iska maydhin caad miray iyo

Mataano yihiin mascideed oo

Maalay iyo xaydh mullaaxsaday oo

Maslaxanaaya dhiin masayr galay oo

Mukhayntii ka yeeshay maasha Alloo

Cawlaan la madaystay xoosh makaloo

Muquunshay intaanu moos odhan oo

Mudkiyo isku loohay maydhaqa oo

Ka milicsaday meel agtiisa ah iyo

Sugul u majeertay mee yidhi oo

Casuus ka maqnayd u muhanaayoo

Meehaahay intuu ku maaxdumayoo

Jeegaan isku maray macawiso leh….

Sida uu u wado, ayuu sowsaba iyo samada ina la korayaa.  Mar qudha ayuu ina soo dejinayaa. Adduunkii quruxda, waxa uu haddda ku soo hoorinayaa ammaanta nabi Muxamed (scws).  Inta uu mar keli ah kaa dhexqaado gaafaantii ahayd quruxda midabbada, gelbiskii dayaxa, daruuraha iyo xiddigaha, ayuu ammaanta Nabiga (csws) kor kaga keenayaa.

Shantooy muunaddaas indhuhu mahadshaan

Intaasu madad iyo marqaan ma lahee

Waxaan marag iyo markhaati ka ahay

Mudanow nebigaa ka muuq dheer.

Gaafada dabbaaldegga abuurta Alle; dayaxa guurdoonka ah, daruuraha iyo xiddigaha, onkodka iyo hillaaca iyo hablaha midabbada ahi, sidee ugu soo dhaceen maansoyahanka Xasan? Muran ma laha oo tan oo kale waa wax ka soo hinqada wacyiga duunka hoose ama shishe ee kartida halabuuraha cabqariga ah.  Waa sawirro meel fog laga male-awaalo oo aan dad badan laga helin; halabuurrada fanku na aanay, awood ahaan, ka sinnayn.   Waxa ay u badan tahay in aanu Xasan war ka haynin dugsiga fanka ee suryaaliga la yidhaahdo (Surealism).  Ayada oo sidaas ah, haddana Xasan Cabdillaahi, kartida hummaagaynta cabqariga ah ayaa hoggaamisay oo ka keentay suuraymahaas maan-daalidka ah.

Hadda na, mar kale, tixda Miski waa tan oo waa Nebi Ammaan.  Tuducyaas dheer bay uga gudbaysaa habeenkii Nebi Muxamed (scws) loo dheelmay samada.  Habeenkii Maqdis la geeyey iyo geenyadii qaadday; derajada sarraysa ee Alle u deeqay iyo risaaladda lagu sharfay.

Quraankoo mucjiso ah ayuu mulkiyoo

Maskaxdii dunidoo masuulka runta ah

U macallin ah meyti iyo xay

Mowlahaa kor u qaaday magaciisoo

Waxaan marag iyo markhaati ka ahay

Makhluuqa in uu u mudanyahay….

Xasan Cabdillaahi (Xasan Ganey) maansada Miski waxa uu ku soo goynayaa duco qalbiga qofkii Alle yaqaan, ku dhegaysa; duco runtii mudan in korka laga qabto.  Waxa uu ducadiisa ka ambaqaadayaa sifaynta maaalinta Qiyaamaha ee Alle hortii la taaganyahay.  In badan baynu maqallay sifaalaheeda; se maansaynta Xasan baa soo dhaweynaysa oo ku dhex geynaysa maalintaas iyo xaaladda lagu suganyahay.  Maxsharka la tubanyahay; muddugga qaawan ee la wada yahay; maalqabeen iyo mucsur, madax iyo minjo, milicda la wada tuban yahay, surmiga iyo gaajada laga simanyahay; maalinta ay xubnaha jidhku mudduci noqonayaan ee naf iyo wax ay mudan maaliggu uun ogyahay, maalintaas ayuu Xasan xusayaa oo Alle, sidan u baryayaa:

Macbuudka Alle an magansanayow

In kastoon Maka iyo Madiina ba tegey

Faralka ka maqnaan maskiiddada oo

Soonka na ku mitido markaan ladanahay

Sakada ku masuugin maal hayn

Ma moogi in aan madmadow badanoo

Miciinkaagu waa mid mowjadahoo

Addoon ku martiyey mindhaa ma qadee

Dembigaannu maleegnay naga maydhoo

Dhammaan muslimiinta maamuusoo

Jannadaada macaan ha noo miyin.

 

Tixdu guud ahaan, fartii Xasan Ganey bay leedahay.  Ereyga iyo suuradaha hummaagga toolmoon iyo toyashada murtida mugga leh; shareereyaasha duurxulka fog leh iyo shubaalinta hadalka inta ba, dhiskii maansada Xasan Ganey ku goonida ahayd, bay tixdani wadataa.  Waxaa si gaar ah tixdan u sii astaynayaa oo ayadana maansada Xasan lagu yaqaan, sunsuminta sadarrada tixda ee uu sida goonida ah ugu adeejiyo xidhiidhiyeyaasha hadalka, sida “iyo, ee, oo”.  Xidhiidhiyeyaashanu tebinta macnaha sadarrada iyo tuducyada tixda ayey sululuxiyaan oo ay bilciyaan.  Maansada Xasan Ganey baa, si gaar ah ugu suntan taas oo lagu yaqaan.

Ugu dambayn, waxaynu hore u nidhi tixdan Miski, ta uu Xasan qofnimadiisa u dooray buu ina soo

hordhigayaa.  Daw cusub buu maansadan mariyey, waa na jid uu maansoyahanka kasta oo kale na uu wax ku tusayo.  Waxaa se weeye, soojireenkii maansada Soomaalida, gabaygu waxa uu ku caan ahaa arar iyo dhextaal uu maansoyahanku isku faaniyo, qaayaha tixdiisana ku buunbuuniyo.  In kasta oo aan isla-weynida la ammaani jirin, hadda na dhaqan bay ahayd oo gabaygaaga lagu ma qoonsan jirin.  Xasan Cabdillaahi “Xasan Ganey” tixdiisan Miski, doorashadiisa nolosha, if iyo aakhiroba ah, ayuu jid hor leh u furayaa.  Dawga dadnimada ku wacan buu qaaday.  Sidaa darteed waxa uu ka xiidhiidh-goostay oo ku falaagoobay jidraacii naftii-hafarka ahaa ee lagu ogaa maansoyahanka Soomaalida.  Alle iyo aadamiga ba wuu isu dhuldhigayaa oo kartiisa iyo murtidiisa ba wuu yaraysanayaa.  Badweynta tixdiisan Miski oo aanan runtii, garanayn mid la agdhigo, waxa uu inooga dhigayaa bilaale.  Waxa la yaab leh sida ay u kala fogyahiin tixdan iyo tilmaanta Xasan naftiisa ka bixinayaa.   Murti la tirshaba qayrkii baa iska leh; asagu se tiisa waxa uu ku sheegayaa luggooyo.  Tusaale ahaan, maahmaahahan soo socda oo aanan runtii garanaynin -qurux iyo murti- wax loo dhigo, ayuu ujeeddada quudhsiga naftiisa ugu soo araranyaa:

Masalo adag oo mihaajka ku taal;

Marsada cilmiga ah muftaa furfura.

Marwadii fiican baa majeero geyda.

Hashii mohollinaa martida deeqda.

Soorta na milixdaa macaanaysa.

Rag baa maaxda oo mataano roga.

Suugaanta mugga weyn in baa murtisee;

Anigu ma aqaan murtida la tirshee;

Shantayda midh waan mutuhinaayee;

Maansada aan luggooyo miimka ah.

Isdiiddada murtida culus ee maansadan Miski iyo heerka isdhuldhigga curiyaha Xasan Ganey, ayaa maansada sii qurxinaya, asaga na kor u qaadaya oo haybad iyo sharaf huwinaya.  Mar ba si buu ugu imanayaa saddexda sadar ama meeris ee dhextaalka ugu dambeeya.  Mar walba na si gooni ah buu kuu ashaqaraar gelinayaa.

If iyo aakhiro ba Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) nolosha dhabta buu doortay oo uu inoo doorayaa; waayoo qofkeen walba faldhaqankiisu waa baaq uu cid wal ugu yeedhayo oo farayo in uu yeelo sida uu yeelay.  Tixdan ayada ah, Xasan waxa uu sheegtay xornimo; waayo, loo ma doorin ee asagaa ku go’aan qaatay xornimada aadami lagu yahay.  Waa jidka Alle loogu addoon yahay ee qayrkii na lagaga xor yahay.

W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed (Rashiid Gadhweyne)

LEAVE A REPLY