Tix-Raac Dhaqan Xumadda Waran-Cade + War La’aanta Madaxtooyadda + Ku Takrifalka Awooda Dawladnimo iyo U Adeegsiga Haykalka Dawladnimo Hab Qabiil. Qaybtii Kowaad

0
1184
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Waran-Cade wuxu ahaan jiray nin ka tirsanaa sirdoonkii Somaliya, kana soo qabtay xilal kala duwan, isla markaan kana soo horjeeday qadiyadda Somaliland iyo dhaqdhaqaaqa SNM taas oo halgan dheer loo soo galay, naf iyo maalna loo huray, intaa ka bacdii Mr. Waran-Cade isaga uga ayaan roonaday Mujaahidiintii SNM iyo Qoysaskoodiba, markii ay taariikhdu ahayd 1991 ayuu Muqdisho ka imi, wuxu isku dayay inuu la qabsado, ileen waa guulwade sida loola qabsado uu soo bartay dawladii Siyaad Barre, wuu la qabsaday, waxaanu kala dilay reerkiisa isaga oo cadaawad  kala dhexdhigay ilaa imikan dhextaal beelaha ku hareeraysan.

Waxa xilka qaranimo kala weenaday ka reernimo, isaga oo wax nasteexo ah u hayn reerkiisa, waayo wuxu colaad ugu abuuray dhamaan Beelaha kala Duwan ee ku xeeran, isaga oo dhulboobka, naxliiga reernimo iyo ku takrifka hantida dawladda iyo isaga oo ku takrifalaa awooda dawladnimo arimihiisa gaarka ah, sida dhulboobka iyo lunsiga hantida qaranka, miyaanu Madax-Weynuhu wax ka ogayn arrimaha ka socda mise isaga la og maamul xumad ka jirta wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Tusaale ahaan Qadiyadda imika taagan ee ka dhacday dhulka madaarka ka soo hor jeeda, kaas oo lugta ku walaaqayo isaga oo u marin hab sharciga waafaqsan, iskaga oo tixgelin hab wadanoolashaha laba beelod ee wada degan, isaga oo isticmaalayaa awooda dawladnimo kuna soo xidhxidhay odayaashas, isla markaan aan wax dacwad ah u hayn odayaasha iyaga oo u diyaar ah qabkii reeruhu u macaamil jireen ee waafaqsan sharciga islaamka iyo dhaqankaba. Kadib markii maxkamadu ay rumaan u dirtay odayaasha, laguna waayay wax dacwad ah, ayay maxkamadu u soo celisay xornimadoodi. Maalinka bacdi ayuu taliyaha Booliska amar ku siiyay in dib loo soo qabqabto odayaashas, laguna soo xidhay saman la’aan, sida ku cad xeerarka ciqaabta iyo denbiyadda.

Allaa Mahad Leh

Nuur D. Caways ( Garyaqaan Caways)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here