Tartano kubadda cagta ah Oo lagu Xusayo Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Lagu Qabtay Gobolada Dalka + DAAWO SAWIRADDA

0
865

Hargeysa,(HargeisaPress) —Tartano kubadda cagta ah ayaa ka qabsoomay Goboladda kala duwan ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Ceerigaabo,Garadag,Buuhoodle,Ceelafweyn,Caynaba iyo Caasimadda Hargeysa Taas oo si weyn looga xusay maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo ku beegnayd 20ka February.

Munaasibadan ayaa guud ahaan maaanta si balaadhan looga xusay dhamaan gobalada iyo dagmooyinka Somaliland ayaa waxa barbar socday tartamo kubada cagta ah oo lagu xusayayb maalinta dhalinyarada Somaliland. munaasibadan waxa soo qabanqaabisay dalada ay ku midoobeen dhalinyarada Somaliland Ee SONYO.

Agaasimaha fulinta ee dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Cumar Cismaan Miigane ayaa ka qayb galay tartankii shalay lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Hargeisa Stadium, Agaasime miigane ayaa dhalinyarada Somaliland meelkasta oo ay joogan ku dhiiri galiyay ciyaraaha kala duwan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADII TARTAMADII XUSKA MAALINTA DHALINYARADA SOMALILAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here