Tartanka Reeraha Iyo Talo Xumaanta Qarniga 21aad Qallinkii: Mohámed Dhimbiil

0
1021
Mohámed Dhimbiil

Nolosha Aadamuhu tartan iyo hiigsi kama maaranto, laakiin tartanada somalida ka dhex socdaa Waa tartano reeraysan oo aad moodo in lagu tartamayo magac doon laga raadinayo hogaaminta iyo Hantida dadka u dhaxaysay.

tartanadaa oo aan loo marayn jid nadiif ah oo midwaliba maanka ku hayo magac qabiil iyo midi midi ku taag.

Hadaba Hadii la dhuuxo waxa qabaailka ka soo gala in ay ka muuqdaan meelwalba waxa weeye ku faan, Waayo waxa shaqsi noqday maaha mid reerku ka Siman yahay laakiin sida dhaqanka somalida kucaanka ah Waa ku faan oo dhawrkii maqaaxi wada fadhiyaaba way isku faanayaan.

ku faan waa xanuun 4ta qof ee somalida ah ee meel isugu yimaadaba dhex Mara marka la istoydo ka dib, kana bilaabma in taariikh maal iyo magacyo tegay la isugu faano isaga midwalba qumanihiisu qoorta u sudhan yahay.

Haba la tartamo maba xuma oo wanaaga iyo Horumarka ha lagu tartamo ee waxa ay inaga gashay meeshii umada laga hogaaminayey ama taladii umada Waa halkii loo irkanayey cadaalada iyo sinaanta bulshadu in ay ka muuqato, In aad reerkaaga magac iyo manfac u raadisid waxa ka muhiimsan in aad dadka oo wada jira horumariso oo aad jeexdo Dariiq toosan oo lagaaga daydo.

Ragaadka halkaa inagaga jiraa dadka in kooban buu u muuqdaa, tartanada reeraysani waxa ay meesha ka saartay in la xisaabtamo, in wax la iska waydiiyo waxii umaddu wada lahayd, oo hadaad hadasho reer hebel baad u jeedaa, hada wax ay ku qabaan ma jirto magacoogii maxaafsato ayaa dishaye ogow.

Qalooca inaga ku jira waxa aan ka werwer qabaa in uu qaranimada inaga galaafto, maamul wanaag iyo in la xisaabtamo iyo in wax la isweydiiyo intaba wuu sahayday hadda oo taa hadal kama taagna, Hadii aan caqligu shaqeyn oo dadku ka midaysnaan xumaanta oo u midaysnaan wanaaga waynu baaba’aynaa oo Waa xaqiiq.

Mohámed Dhimbiil

LEAVE A REPLY