Tallo: Doorka Shaqo ee Dhalinyarada ushaqeeya Qaranka JSL

0
1185

 

Tallo: Doorka Shaqo ee Dhalinyarada ushaqeeya Qaranka JSL

Waxaa muhiim ah in dhalinyarada fursada u helay in ay Qarankooda JSL u adeegaan ay ogaadaan oo ay maanka ku hayaan in aanay cidi ka xigin gudashada waajibaadkooda shaqo iyo hawsha ay qarankan u hayaan.

Sidoo kalena Ogaadaan in ay bulshada u adeegayaan ee aanay yagu ku adeegsanayn, Shaqo kasta oo aad bulshadeena aad u qabataana waxaa kaa hor imanaaya caqabado badan taas oo u baahan in aad u dhabar adaygtaan, maxaa yeelay hadii aad u samri waydo iskuna dayi waydo in aad ka gudubto caqabadahaas, waxba sixi kari maysid umadana waxba u qaban kari maysid.

Dheefta ugu wayn ee marka aad Umadeena aad u shaqaynaysid ay tahay in aad dareentid waa baahida ay umadaadu u qabto in loo adeego. Waxaad kaga gamadaa wakhtigaaga iyo maskaxdaada aad u huraysid dalkaaga in Jiilasha kaa danbeeyaa si fiican ugu noolaadaan dalkaaga.
Hadii ay u jeedadaadu tahay in aad Lacag, Awood siyaasadeed iyo Magac aad doontid adiga oo aan Riba gees ka ridin ana aan wadankaaga waxbaba u hurin, waxa aad la mid noqonaysaa Siyaasiyiinta ,Madaxda iyo Hogaamiyayaasha Beelaha ee aynu ka cabano had iyo jeer wax qabad la aantooda.

Qalinkii: Omar osman Taani

LEAVE A REPLY