Taliyihii Ciidanka Illaallada Aqalka Madaxtooyada Somaliland Oo La Sheegay In Xilkii Laga Qaaday Iyo Xisaabiyihiisii Oo La Beddalay

0
1213
Aqalka Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxtooyadda Somaliland ayaa magacawday Taliye cusub, iyadoo Taliyihii hore iyo xisaabiyihiiba la is raaciyey, sidoo kale-na xisaabiyayaal kale oo shicib ah loo magacaabay ciidanka Ilaaladda madaxtooyadda.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa la yidhaa Cabdirisaaq Siciid Bullaale  Af-gaduud, waxaanu ka mid ahaa saraakiisha ciidanka ee jiida bariga halkaas oo laga soo bedelay, halka uu xilka kala wareegay Taliyihii xilka ka dagay Gaashaanle Dhexe Axmed Daahir Cali.

Taliyaha Xilka laga qaaday ayaa isna bedelay Taliye Axmed Cali Maygaag, waxaanay xilka qaadista iyo magacaabista Taliyayaashani dhacay muddo kooban gudaheed.

Lama garanayo illaa sababta rasmiga ah ee xilka qaadista  galaafatay Taliyihii iyo xisaabiyihiiba, hase yeeshee waxa laga dareemayaa ciidanka ilaalada Madaxtooyadda cabashooyin la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha oo aan la garanayn halka ay ka soo jeedo. wararka ka soo baxaya isku bedelkan ayaa sheegaya isla   in Taliyihii hore ee ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda iyo Xisaabiyahiiba xilkii laga tiriyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here