Taliska Millatariga Somaliland Oo Faah-faahiyay Askari Ciidanka Ka Tirsan Oo Xeradda Birjeex Ku Geeriyooda.

0
1648
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) — Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay geerida askari ka tirsanaa oo galabta meydkiisa lagu arkay xabsi ku yaala xerada Ciidanka Qaranka ee Birjeex.

AHN marxuumkan oo magaciisa aan la shaacin sababo ciidan awgeed ayaa qoraal ka soo saaray Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland, oo Warbaahinta HargeisaPress.com soo gaadhay Ayaa lagu sheegay in la baadhayo sababaha keenay dhimashadiisa.

Qoraalka Taliska Ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay, “Alle haw Naxariistee marxuum ka tirsanaa Ciidanka Qaranka JSL ayaa galabta meydkiisa laga helay xabsi uu ku jiray oo ku yaal xerada Birjeex ee hargeysa.

Marxuumka oo muddo laba todobaad cibaaq amardiido u xidhnaa, ayaa galabta meydkiisa isagoo is-dal-dalay lagu arkay xabsiguu ku jiray, waxaana socota baadhitaanka sababaha keenay dhimashadiisa.

Taliska Ciidanka Qaranka JSL waxuu tacsi u dirayaa qoyskiisa, caruurtiisa iyo dhamaan Ciidanka Qaranka Somaliland geerida ku timi marxuumka ka baxay, isla markaana caddaynayaa inay baadhitaanka ka dib faahfaahin buuxda ka bixin doonaan geerida askarigaa, mana jiraan wararka sheegaya inuu sababo sicir-barar dartood isku deldelay.

Waxaa looga digayaa dhamaan warbaahinta, inay ka fogaadaan inay faah-faahino mala-awaal ah ka bixiyaan sababaha keenay geeridiisa, inta faahfaahin buuxda ka bixinayaan Ciidanka Qaranka JSL.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa lagu sheegay qoraalka inuu tacsi u dirayo qoyskii iyo caruurtii, qaraabadii, Ciidanka Qaranka & dhamaan shacabka Somaliland, geerida ku timi marxuumkan ka tirsanaa, ilaahayna uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, ehelkiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale, geerida askarigan ka tirsanaa Ciidanka qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli shalay subax Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL dhagax dhigeen xarun cusub oo loo dhisi doono Ciidanka, magaalada hargeysa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY