Tahriibayaal u dhashay Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
877

Hargeysa , (HargeisaPress) — Waxaa maanta madaarka cigaal international ka soo dagay dhalinyaro tahriibayaal ah oo dhawaan laga soo daayey Jeelasha Liibiya.

Dhalinyaraddan waxaa madaarka ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID eng. Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Dhalinyaraddan ayaa sheegay inay dhibaatooyin tiro badan kala kulmeen intii ay ku sugnaayeen dalka Liibiya, waxaanay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay dalkoodii dib ugu soo noqdeen iyagoo bad qaba.

Halkan ka daawo muqaalka Warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here