Tahriibayaal Hargeysa, Borama Iyo Burco Ka Tagay Oo Ay Miino Kula Kacday Deegaanka Lughaya

0
1313

Hargeysa, (HargeisaPress) —Tahriibayaal reer Somaliland ah ayay miino kula kacday deegaanka Lughaya ee gobalka Awdal, kuwaas oo saarnaa baabuur weyn oo xamuul ah.

Maayar-xigeenka Lughaya Cumar Maxamed Dhimbiil, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in baabuurkan iyo rakaabkan tahriibayaasha ah ee saarnaa ay miinadu la kacday habeenimadii ay Axadu soo galaysay ee toddobaadkan, balse aanay cidina waxba ku noqon miinadaas marka laga reebo dhawr qof oo ay dhaawacyo fududi soo gaadheen. Maayar-xigeenku wuxuu sheegay in dhallinyarada baabuurkaas saarnaa oo tiradooda lagu qiyaasay afartameeyo ruux ay gacanta ku dhigeen dhawr iyo toban ka mid ah halka ay 25 ka mid ahina raaceen doontii tahriibka oo u daad-guraysay dalka Yemen ee ay colaaduhu ka socdaan. “Tahriibayaal u badan Burco, Hargeysa iyo Borama ayay ahaayeen, waxaanay miinadu la kacday salaadii subax ka hor, laakiin cidina waxba may noqon. 25 ayaa fakaday oo raacay doon si tuugo ah xeebaha ku timaada, ciidamaduna aad ayay isugu dayeen oo ay ugu hawlgaleen inay doontaas qabtaan laakiin xeebaha waxa qariyay geedka garan-waaga oo si qarsoodi ah ayay doontana ku timaadaa. Markaas dhawr iyo tobanka aanu hadda gacanta ku hayno waalidiintood oo ka kala yimid Hargeysa, Burco iyo Borama ayaa la jooga.” sidaas ayuu yidhi maayar-xigeenka lughaya oo u waramay wargeyska Geeska Afrika.

Qaar ka mid ah hay’adhaa miino baadhista ee Somaliland ku sugan ayaa gaadhay deegaankaas ay miinadu kula kacday tahriibayaasha. Deegaanadan ayaa la sheegay inay hore miino ugula qaraxday baabuur kale.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here