Tahriibayaal Afrikaan u badan oo qabow ugu geeriyooday xeebaha Tayaaniga

0
897

Lampedusa, (HargeisaPress) — Ugu yaraan 29-qof oo tahriibayaal ah ayaa dhaxan awgeed ugu dhintay xeebaha dalka Italy, kuwaasoo la socday doonyo ay kaga soo baxeen dalka Liibiya.

Ciidamada badda Taliyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dooni in ka badan 100 qof oo tahriibayaal ah sidday oo kusoo dhawaatay jasiiradda Lampedusa.

Weli faah-faahin rasmi ah lagama bixin dalalka ay kasoo jeedaan dadkan ku dhintay xeebaha Talyaaniga, inkastoo la sheegay in intooda badna ay yihiin muhaajiriin ka yimid Afrika.

Ma ahan markii ugu horreysay oo tahriibayaal ay ku dhintaan xeebaha dalka Talyaaniga, iyadoo ay horay ugu geeriyoodeen tahriibayaal badan oo isaga gooshayaya Qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, xilligan ayaa waxaa xeebaha dalka Talyaaniga si aad ah uga dhaca dabeylo qabow wata; iyadoo tahriibayaashu aysan haysan wax ka difaac dhaxanta dhacaysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here