TACSI: Alle Ha U Naxariistee; Fanaan/Abwaan Rashiid Bullo Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
1222
Alle Ha U Naxariistee; Fanaan/Abwaan Rashiid Bullo

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa xalay goor danbe ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa Alla ha u naxariistee Rashiid Balluu Ibraahim, oo ku caan ahaa Rashiid Bullo.

Wuxuu ahaa fannaan weyn oo muddo ka badan lixdan sano ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed. Waxaa geerida Rashiid Bullo u xaqiijiyay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige wiilkiisa Rafiiq Rashiid Bullo.

Rashiid Bullo wuxuu ku bilaabay fankiisa dhinaca muusiga Radio Hargeysa markii ingiriisku furay sanadihii afartameeyadii. Wuxuu markii danbe noqday hoobal iyo abwaan curiya suugaanta.

Asalkiisu Hindi buu ahaa

Rashiid Bullo isirkiisu wuxu ahaa Hindi oo aabihii Balluu Ibraahim wuxu magaalada Saylac yimid 1886 wuxuunu guursaday haweenay Soomaali ah.

Waa abwaankii curiyay heesta Radio Hargeysa astaanta u ah ee ay hawada ku soo gasho kagana baxdo ee ” Halkani waa Hargaysoo Hirarka gaaban idin kala hadlaysee habeen wanaagsan”.

Allah ha u naxariisktee laxannada caanka ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa lagu qaaday heesaha ay ka midka yihiin “Indho Deeralay”, “Madheedhaale iyo hawd”, “Waan daalee” oo ka mid ah heesaha ay qaadaan fannaaniinta haldoor ka ah ee Soomaalidu. Rashiid Bullo wuxuu ka tirsanaa ilaa hadda shaqaalaha Radio Hargeysa, oo wuxu maamule ka ahaa qolka kaydka cajaladaha.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here