Taariikhdu Halmaami Mayso Wasiirada Ka Midho Dhaliyay Horomarka Baaxada Leh Ee Ay Ku Talaabsatay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo

0
1048
Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Bulshada Somaliland Waxay Ka Marag Kacayaan Heerka Uu Ka Soo Qaaday Iyo Horomarkuu Gaadhsiiyay Madaarada Dalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Waa Sadaro hufan iyo weedho aan Bulshada Somaliland ugu Iftiiminayo Masuul Hawlkara oo ka Midho Dhaliyay Hamigii uu u soo Halgamay Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo, Masuul Taariikh la wadaaga Madaxwayne Siiraanyo, Wasiir kaalin muuqata ku leh in uu ka midho dhaliyo Madaxwayne Siiraanyo Hogaamin suuban oo Bulshada S/land u Horseeda Himiloooyin iyo Qorshayaal fog oo Bulshada S/land Muddo badan tabayeen.

Waa qormo aan ku habeeyay Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan Diiwaanka Taariikhda Wasiir Karti iyo Daacadnimo ku suntan, Wasiir Hilaadin leh oo Horomar, Casriyayn iyo dib u dhisba ku sameeyay Madaarada Dalka oo ah Masuuliyadii Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay, Wasiir Heerkuu ka soo qaaday iyo Horomarkuu gaadhsiiyay Madaarada Dalka ay Bulshada S/land ka Marag kacayso,Wasiir ku suntan Waxqabad muuqda kana midho dhaliyay Hamigii Madaxwayne Siiraanyo ee ahaa in Dawlada S/land la tartanto Dawladaha Geeska Afrika si ay Maalgalinta Beesha Caalamka u soo jiidato,Wasiir Hantay Quluubta Bulshadiisa, Wasiir kor u qaaday Bilicda,Haybada Dalkiisa Hooyo isla markaana Hirgaliyay Qorshayaal cad oo Horomarineed oo Madaxwaynaha S/land Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo muddo badan ku taamayay

Iyadoo  Diiwaanada Taariikhda Qarniyo iyo Sannado danbe lagu xusi doono Masuul kasta oo u Hagar baxay siduu Madaxwayne Axmad Siiraanyo uga midho dhalin lahaa Hamigiisii ahaa in ay helaan Bulshada S/land Higsigoodii ay u soo Halgameen anigoo Qormadan ku lafo guri doona Wasiir Safka hore kaga jira Masuuliyiinta  Aragtida dheer ee Dadka iyo Dalka ugu shaqeeya Sinaan iyo Cadaalad, Wasiir Qunyar  socoda , Waayo Araga oo marxalado kala duwan ku soo jiray saaxada siyaasada sidoo kale waxay Dadka Aragtida dheer ee Arimaha Siyaasada u kuur gala ku tilmaamayaan Siyaasi higsi fog oo aan marna isku dayin in uu ka baydho ama maroorsado Siyaasada Hogaamineed ee Madaxwayne Siiraanyo isagoo hormood u noqday Masuuliiintii Saaxiibka dhaw la ahaa Mujaahidiinta Hogaamisa Xisbiga Kulmiye isla markaana uu ku ixtiraamay Hogaaminta Siyaasada Guud ee Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale Wasiir Maxamuud Xaashi waa Wasiir Aqoon dheeraada u leh guud ahaan bahda Madax dhaqmeedka deegaan kasta oo ay  ka soo jeedaan Bari iyo Galbeedba Dalka S/land isagoo ku soo kala dhawaysan Taageerada ay kala siiyaan Muxaafid iyo Mucaaradba isagoo ka dhagaysta Ajandaha ay u socdaan  tixgalinta siiya kuwa Danta Guud u socda .

Marka si saxa loo qiimiiyo isbadalka hogaamineed ee laga arkayo Wasaarada Madaxtooyada waxuu Ra”ayul caamka Bulshada S/land  ka marag kacayaa in  Wasiir Maxamuud Xaashi  mudo gaaban isbadalo la taaban karo laga arkayo Wasaaradii Madxtooyada ee loo soo badalay muddo Sannad iyo Sadex Bilood ah ka hor isagoo waayo argnimadiisa aqooneed iskugu geeyay Tayaynta shaqo maalmeedka Wasaarada Madaxtooyada oo Laf dhabar u ah Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee Dalka S/land .

Hadaba tan iyo markii Wasiir Maxamuud Xaashi loo badalay Wasaarada Madaxtooyada waxaa hubaala in uu sare u qaaday habsami u socodka hawlaha baaxada leh ee Wasaarada Madaxtooyadu Qaranka u hayso  iyadoo Wasiir Maxamuud Xaashi meesha ka saaray isku dhacyadii ka dhex dhici jiray Masuuliyiinta Qaranka sida Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Ciidanka Ilaalada Madatooyada dhacdooyinkan oo ku soo noqnoqon jiray Aqalka looga taliyo S/land  Cahdigii Wasiirkii hore ee Xirsi.

Sidoo kale  Wasiir Maxmuud Xaashi waa Masuul u hagar baxay gurmadkii loo fidinayay dadkii ay ku dhacday Abaartii baahsanayd isagoo Hadh iyo Habeenba ka nasan  Taakulaynta iyo Abaabulka gudidii Madaxwaynuhu u xilsaaray Gurmadka Abaaraha  sidoo kale waxuu labin laabay adkeynta  in ay baxdo xogta  shaqo maalmeedka ka socota  Wasaarada Madaxtooyada iyadoo uu xakameeyay in la helo badelka iyo dalacsiinta Masuuliyiinta Laamaha kala duwan ee dawlada .

Waxaan qormadan ku soo Afmeerayaa waxay Bulshada S/land ka marag kacayaan in Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi xilka Wasaarada Duulista iyo Hawada Hayay uu soo gaadhsiiyay heer Dawladaha Caalamku u soo baratamaan Maalgashiga Madaarada Dalka S/land gaar ahaan Madaarka Barbara, Wasiir Dabeecadiisa Shaqsiyeed Caadifad iyo Jawaabo dagdag ah aan lagu Arkin waana Astaamaha waawayn ee muujinaya Hogaaminta Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi .

Falanqaynta Qalin Maalka: Abwaan Sacad Xaaji Maxamuud Gadhle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here