“Taageerayaasha Waxaanu U Sheegaynaa Shaki Kama Qabno Anagu Guusha Ee Waxaanu La Sugaynaa Marka Lagu Dhawaaqo…”-Xisbiga WADDANI

0
995

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani, ayaa  masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay is hambalyeeyeen oo ay ka baxeen heshiiskii Axsaabta iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranku wada dhigteen, isla markaana waxa uu sheegay in aanu Xisbiga Waddani aanu shaki ka qabin Guusha Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13kii bishan Noofambar ee 2017.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn ILAAHAY ugu mahadnaqay sidii nabadgelyada laheyd ee ololihii iyo Doorashadii ba u qabsoomeen, waxa kale oo uu u mahadnaqay shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi   “Waxaanu ILAAHAY ugu mahadnaqaynaa Ololihii iyo Doorashadii sida nabadgelyada ah noogu dhammaaday, waxaanu u mahadnaqaynaa shacbi weynaha Somaliland ee u dhabar adeygay hawshaasi ee si fiican oo nabadgelyo ah oo degan oo hufan u dhiibtay codka, waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa taageerayaasha Xisbiga Waddani ee sida muga leh ugu codeeyey isbedalka”. Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa kale oo uu farriin u diray Bulshada “Waxaanu u sheegaynaa Dadweynaha in Axsaabta iyo Komishanku ku heshiiyeen in aan natiijada laga hor dhicin, waxaanu se ka xunahay in Xisbiga Kulmiye uu is hambalyeeyey”.

Cabdiqaadir waxa kale oo uu ka warramay dareenka Xisbiga Waddani ee Natiijada tirada cod bixinta doorashada “Anagu kama werwersanin in dalkan isbedal ku immanayo, oo isbedal kheyr qabaa ku immanayo, ummaduna codkeedii wey dhiibatay, si mug iyo miisaan leh ayey ugu codeysay isbedalka, natiijada se waxaanu la sugaynaa Komishanka dhawaaqiisa”. Intaasi kadibna, Cabdiqaadir Jirde waxa uu Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inuu guusha doorashada isku hambalyeeyey “Waanu ka xunahay in dadka la hiyi kiciyo, oo heshiiskii lawada gaadhay laga baxo, oo Xisbi si gaar ah isku hambalyeeyo, waxa kale oo aanu ka xunahay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye oo si qaawan oo anshaxa ka baxsan Guddoomiyaha (Xisbiga Waddani) iyo Gurigiisa wax uga sheegay, waxaanu leenahay waxyaalahaasi waa waxa qiimo rida nidaamka tartankan aynu ku gudo jirno, Guddoomiyaha iyo Murrashaxa Xisbigu waa Madaxweynihii Mustaqbalka waxaanu leeyahay Karaamo iyo Sharaf, markaa waanu ka xunahay aniga ayaana xaal ka bixinaya inankaa aan Abtiga u ahay, ee gefka intaa leeg galay”.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani waxa uu farriin gaar ah u diray taageerayaasha Xisbiga Waddani “Taageerayaasha waxaanu u sheegaynaa shaki kama qabno anagu Guusha ee waxaanu la sugaynaa marka lagu dhawaaqo”. Ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde X Ismaaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here