Sweden: Ciyaartoy Kaadhka Cas ku Qaatay Dhacdadii ugu Xumayd Kubbadda Cagta

0
1235

HargeisaPress —Ciyaartoy Sweden u dhashay, ayaa kaadhka Cas la siiyay markii uu ku kacay dhacdadii ugu foosha xumayd inta taariikhda kubbadda cagta laga ogyahay, taasoo garsoorihii ciyaarta hayay ka cadhaysiisay.

 

Adam Lindin Ljungkvist oo u ciyaara Järna SK, ayaa garsoore hayay ciyaar ay la lahaayeen kooxda Pershagen SK uu kaadhka Cas siiyay markii lagu eedeeyay in ciyaartoygu garoonka ku dhex saxarooday.

 

25 jirkan, ayaa sheegay inay calooshu xanuuntay, balse uu garsooraha waydiistay inuu Suuliga tago, iyadoo markii uu diiday uu garoonka dhex fadhiistay, taasoo garsooruhu u fahmayn inuu ku dhex saxarooday garoonka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here