Suldaanka Guud Ee Akisho Oo Sameeyay Casuumad Kulmisay Muxaafid Iyo Mucaarid Oo Ka Dhacday Hargeysa + SAWIRRO

0
1610

Hargeysa,(HargeisaPress) —Suldaanka Guud Ee Akisho  ayaa habeen hore Casuumad casho sharaf ah uu  Sameeyay Suldaano, Caaqilo, Siyaasiyiin mucaarid,muxaafidba iyo Aqoonyahanka Reer Somaliland ka kooban iyo marti sharaf kale ayaa habeen hore ka dhacday hotel Green plaza ee magaalada Hargeysa.

Casuumadan uu shalay Suldaanku uu fidiyey ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland, Wasiiro, xubno ka tirsan mucaaridka iyo marti sharaf kale.

Waxay ahay Madal kulmisay boqoro salaadiin cuqaal aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhamaan haldoorkii qarankan waxay ahayd Madal casuumad sharafeed Uu suldaanka guud ee akisho ku casuumay dhamaan haldoorka reer somaliland oo lagu qabtay 18/01/2017 hotel Green plaza oo ku yaala caasimada hargeisa waxaa goobtan ka muuqday daganaansho iyo hab maamul wanaagsan oo quruxbadan oo hab maamulka agaasinkeedu sareeyey waxaa Madashaas joogay Boqor Mahamuud Boqor Magaadle dir boqor cismaan jabane suldaan ismaaciil suldaan cabdi raxmaan suldaan Mahamuud Ahmed suldaan cabdiraxmaan Ugaas claahi xasan xawaareeye ugaas cismaan jabane suldaan maxamed awsiciid Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee X Kulmiye Muhaahid Mohamed Kaahin Wasiirka Amniga Maxamed muuse diiriye wasiirka ciyaaraha C/rashiid wasiirka ku xigeenka hidaha dhaqanka dalxiiska Oday Xasan Cali wayd oday Cismaan Xasan mire Sheekh mahamuud Sh. Suufi  waxay dhamaantood sharfeen oo ka mahadnaqeen casuumadan loo fidiyay Mohamed kaahin waxa uu balan qaaday inuu suldaanka daadihin doona suldaanka ilaa heer sarre ilaa hogaan waxaa halkaa kalmadiisii Suldaanka guud akisho Suldaan Abshir xasan cali oo tilmaamay in abaaraha ilaahay inaga qaado gargaarkana loo wada kaco qarankana odayaal iyo dhalinyarba la badbaadiyo .

Aqoonyahanka beesha oo ahaa C/raxmaan muuse wuxuu soo bandhigay in aqoontu tahay badbaadada kaliya ee loo baahan yahay maanta, xafladiina si fiican ayaa usoo dhamaatay.

Madaxdhaqameedkii halkaas ka hadashayna waxay u mahad celiyeen Suldaankii soo qaban qaabiyey Casuumadan.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here