Suldaan Xasan-ka Subeer Awal Oo Ka Dhex-toosay Madal Ilyartu Isqabatay Iyo Firka-naxii Ku Habsaday Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadda.

0
1158

Hargeysa, (HargeisaPress) —Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul Cabdiraxmaan Sul Cabdulaahi Sul Diiriye, ayaa si lama filaan ah shalay uga dhextoosay madal ilyartu isqabtay oo loo qabta daah-furka bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex, oo la filayo inay si rasmi ah u bilaabanto Sabtida .

 

Munaasibadan daah-furka ah maanta lagu qabtay Hoteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, waxa kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxda saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE, UCID Iyo WADDANI, iyo sidoo kale, guddiga doorashooyinka qaranka, oo iyagu lahaa qabanqaabada iyo agaasinka xafladan lagu daah-furayey bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex.

 

Haddaba, marka laga yimaaddo nuxurka ama ujeedada Xafladda loo qabtay waxa xusid mudan waji-yadda loollanku ka dhexeeyo ee madasha ku kulmay, kuwaasoo qaar sallaanka siyaasadda  isku seegen, qaarkoodna ku kala Xabaalo seegen, dhabihii dheera ee hanka Musharraxnimada Kulmiye, ashkhaasta xafiltanku dhex maray oo iskugu jiray Siyaasiyiin, Sullaadin iyo odayaal dhaqameed, ayaa wixii ka danbeyey xilliyaddii uu socday duufaankii xanafta lahaa ee loollanka madaxtimada Xisbiga Kulmiye aan mar qudha sidan oo kale isku wajahin, marka laga reebo hadallo iyo weedho xanaf leh oo ay Warbaahinta isku mariyaan.

Bilowga Diiwaangelinta

Sida darteed, ayaa shalay jawigii masraxu hal mar isbedelay, kaddib markii Mikirifoonka lagu soo dhoweeyey Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan, oo isagu ku hadlayey afka magaca guud ee Sullaadiinta, intaa kaddib markii Suldaanku Cod-baahiyaha uu qabsaday, waxa jawigii madashu u kala baxay laba waji, kuwo farxad iyo damaashad ka qaaday maamuuska iyo milgaha Suldaanka laga siiyey Munaasibadda, iyo sidoo kale, qaar jidhka isgeliyey, kana firka naxay meqaamka mustawahaha sare leh ee la siiyey Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan.

 

Haddaba, wararka xanshaashaqii hoose ee madasha ka dhacay iyo weliba tilmaamaha aan hadalka ka dhicin ee jidhku gudbiyo, isla markaana laga dheehanaayey xubnihii madasha fadhiyey qaarkood, waxa ay u dhaceen sidan:

 

Tusaale ahaan, xubnaha diiday soo gole  joojinta Suldaan Xasan-ka Subeer Awa loo sida muuqatay u badnaa Kaaderiinta Kulmiye iyo shoofeeradda Madaxtooyada, oo iyagu markiiba sawirtay in loo maleegay qool ama la shirqoolay, maadaama hortooda uu ka hadlaayo Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, isagoo weliba huwan magaca guud ee Saldanada Subeer Awa lama gobolka Maroodi-jeex, markii muqaaladda maskaxdoodu tustay, geesta kalena, iyagoo maanka ku haya Suldaankii dhowaan la caleemo saaray, kaasoo xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye loo tirinaayey inay ka danbeeyen isku dayga arrinka, kaddib markii ay ku adkaatay inay gacanta ku qabtaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, si uu taageero ugu noqdo Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo muraadada dad-ban ee Xukuumadda kaga Xidhma Bulshada.

6-39

Waxa kaloo muuqaaladdii Madasha ka iffaayey ahaayeen qaar  hab-dhacoodu muujinaayey in xubnihi diidana hadalka Suldaanka qaarkood isku canaanteen imaatinkii madasha oo iyaggu markii ay isku geysteen dhacdada Suldaanka qaarkood ku xan-shaashaqaayeen inay joogan xarun ay leeyihiin garabkii Kulmiye ee la baxay isbedel doonka, kuwa kalena ayaa iyana dhacdadan u arkaayey mid eedeeda uu leeyahay Koomishanka Doorashooyinku, maadaama ay iyaggu lahaayeen qaban-qaabadda Munaasibadda iyo aagaasinka ajandaha Xafladda, waxana xubnaha araagtiyaha laga dheehanaayey ama hoosba ugu dhawaaqayey qaarkood carabka ku dhufteen xubno kamid ah Komishanka Doorashooyinka, kuwaasoo ay tilmaamayeen inay xidhiidh la leeyihiin Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad aan ku qanacsanayn Musharraxnimada Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye.

 

Geesta kale, waxa iyana madasha maanta markii u horreysay si foolka fool  ah isku qaabiley Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen, kuwaasoo mudooyinkii u danbeyeey oo ka dhex socday Dagaal aan hawshiisu yareyn. Dagaal kaasoo ahaa mid kasoo Xudun-xidhay, kaddib markii Gudomiye Faysal Cali Waraabe uu galay damac  uu shaxeeyey Jin ujeeddo kale leh, kaasoo Gudoomiye Faysal dhegta u saaray in aanay Somaliland u qaalibnayn in Jamal cali xuseen iyo Muuse Biixi Doorasha ku tartamaan. Hase-yeeshee ay danta Somaliland ku jirto Faysal iyo Cirro inay tartamaan. Waxa kaloo muuqaaladdii xiisaha lahaa ee madasha ka dhacay kamid ah, gacan qaadkii madaxweyne Siilaanyo iyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo sidoo kale, gacan-saydhkii Jamaal ee Gudoomiye Faysal Cali waraabe.

 

Yool

 

LEAVE A REPLY