Sucuudiga Oo Maanta Xukuno Dil Ah Ku Fulsay 47-Ruux Oo Uu Ku Jiro Wadaad Shiico Ah + SAWIRRO

0
1098

RIYADH, (HargeisaPress) —  Xukuumadda Saudi Arabia ayaa maanta xukun dil ah ku fuilsay wadaad shiico ah oo lagu magacaabi jiray, Nimir Al-Nimir iyo 46 qof oo kale oo la sheegay in lagu helay falal argagixiso. Dadkaan waxaa ku jira xubno ka tirsan Al-Qaacida.

BN-LX916_2saudi_P_20160102065606

Dadkaan uu maanta Sucuudigu dilka ku fuliyay ayaa intooda badan waxaa lagu eedeyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarro ay Al-qaacida Sucuudigu ay 10-kii sano ee u dambeeyay ka geysteen Sucuudiga.

 

Sidoo kale, afar qof oo uu ku jiro Sh. Al-Nimir ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen mudaaharaadyadii ay muslimiinta Shiicada ah kaga soo hor-jeesteen dowladda Sacuudiga; markii ay kacdoonnadu ka socdeen waddama Bariga Dhexe iyo waliba dil toogasho ahaa oo loo gaystay askari booliis ah.

Mansour Al-Turki, L, and Mansour Al-Ghafari, spokesmen for the Interior and Justice ministries respectively. (SPA)
Mansour Al-Turki, L, and Mansour Al-Ghafari, spokesmen for the Interior and Justice ministries respectively. (SPA)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xukuumadda Sucuudiga ayaa dilalkan ku fulisay 12 goobood oo kala duwan. afar ka mid ah  waxay isticmaaleen toogasho toos ah, halka inta kale ay dilalkaan u isticmaashay seef kurka looga jaray qofka.

 

Daldalaada lagu fuliyay wadaadka Shiicada ah ayaa waxaa si adag u cambaareysay Iiraan iyo waddamada Shicada ah ee ay xulufada dhow yihiin. iyadoo xukuumadda Sucuudigu ay adkeysay amniga xaafadaha ay ku badan yihiin Shiicada deggen dalkaas, si looga hortago mudaaharaadyo suurto gal ah iney sameeyaan dadkaasi.

A Bahraini woman takes part in a protest in the village of Jidhafs, west of Manama, against the execution of prominent Shiite Muslim cleric Nemer al-Nemer by Saudi authorities on Saturday. PHOTO: AGENCE FRANCE-PRESSE/GETTY IMAGES
A Bahraini woman takes part in a protest in the village of Jidhafs, west of Manama, against the execution of prominent Shiite Muslim cleric Nemer al-Nemer by Saudi authorities on Saturday. PHOTO: AGENCE FRANCE-PRESSE/GETTY IMAGES

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dilka maanta dhacay ayaa u muuqda mid lagu niyad jabinayo dadka Sacuudiga u dhashay, si ay uga fogaadaan falalka xagjir-nimada ah, kadib markii ay sannadkii la soo dhaafay dad badan ay ku dhinteen qaraxyo iyo dilal ay ka geysteen dalkaas kooxo Sunniyiin ah, iyadoo ay kooxda ISIL ay taageerayaasheeda ugu baaqday inay weerarro ka fuliyaan Sacuudiga.

BN-LX914_saudi0_M_20160102034201

Ugu dambeyntii, dilka loo geystay 47-ka qof ayaa la sheegay inuu ahaa midkii ugu tirada badnaa ee dalkaas laga fuliyo mar keliya tan iyo sannadkii 1980, markaas oo Sucuudiga lagu dilay 63-qof oo lagu eedeeyay inay Masjika weyn ee Xaramka afduub ku qabsadeen sannadkii 1979-kii.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here