Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Qaramada Midoobey

0
1117
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan

HARGEISA —Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan ayaa khudbad uu u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuuna Dacwad ka dhan ah dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha oo khudbadiisa ka koobneyd ilaa Saddex bog ayaa waxaa kaga hadlay heshiiska shirkadda DP World ee dekedda Berbera iyo arimo kale, wuxuuna Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in uu ku kacay xad-gudub ka dhan ah xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay, waxaana ay qaadi doontaa wax walba oo ay ku ilaalin karto qaranimadeeda iyo jiritaankeeda, cidna ugama heybaysaneyno in dhulkeena lagu soo xadgudbo” ayuu yiri Danjire Abuukar.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayuu ugu baaqay in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Millateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera iyo heshiiska DP World, taas oo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka wada tirsan UN-ka, Arab League iyo Ururka Islaamka (OIC), shuruucdoodana waxaa ka mid ah in wadan uusan wadan kale ku xad gudbi Karin.

LEAVE A REPLY