Soomaaliya: Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Iscasilay

0
884

Baydhabo (Hargeisa Press): Madaxweynihii maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheeikh Aadan, ayaa maanta gelinkii danbe magaaladda Baydhabo kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxweyne nimo.

Waxaanu shaaciyay in aanu ka qayb qaadan doonin tartanka doorashadda madaxtinimadda maamulkaasi oo weli loo fadhiyo wakhtiga iyo siday u dhacayso.

Iyadoo  dhawaan 15 xubnood oo ka mid ahaa guddiga doorashadda maamulkaasi ay iscasileen. Kadib markii ay dawladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyeen in ay faro gelinayso doorashadda maamulkaasi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay in uu u tanaasulay  shacabka reer Koonfur galbeed, kadib markii uu dareemay culays siyaasadeed oo kaga imanaya dhinaca dawladda federaalka Soomaaliya.

Tan iyo shalay xalay ilaa habeen hore waxaa magaaladda Baydhabo ka socday shirar iyo wada tashiyo aakhirkii keenay iscasilaadda Shariif Xasan. Muddo afar sanadood ah oo uu xilkaasi soo hayay kadib.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa iscasilaadiisa kaga dhawaaqay madal ay fadhiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dawladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, guddoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed C/qaadir Sheekhunaa Maye, iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada maamulka koonfur galbeed.

Waxaana goobta ka akhriyay waraaqda istiqaaladiisa wasiirka warfaafinta maamulka koonfur galbeed. Shariif Xasan, ayaa sheegay in aan lagu khasbin in uu xilka ka dego, balse isagoo u tudhaya koonfur galbeed iyo Soomaaliya ba uu go’aansaday in uu iscasilo.

Waxaanu sheegay si waafaqsan dastuurka koonfur galbeed in uu xilkaasi si ku-meel gaadha ugu wareejiyay xilka guddoomiyaha maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo sii hayn doona xilkaasi ilaa inta la dooranayo madaxweyne cusub.

Sidoo kale waxaa halkaas joogay wefti ka socday dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha.

Doorashadda madaxtinimadda maamulka koonfur galbeed ayaa ku mudaysnayd 17-ka bishan aan ku jiro.

Geesta kale Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ku tilmaamay  ka tanaasulidda uu ka tanaasulay in uu mar labaad u tartamo xilka madaxweyne ee maamulkaasi ay keentay kadib fara gelin kaga timid dhinaca dawladda federaalka.

Waxaanu  sheegay in xildhibaanadii wax dooran lahaa in inta Baydhabo laga qaaday la geeyay Muqdisho. Sidaas daraadeed na aanu  garan Karin si xuu xilkaasi ugu tartamo.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY