Soo Galeetigii La Necbaa Ee Mar Keliya Isu Beddelay Halyeeyka Qaranka Portugal

0
1331

Lisbon, (HargeisaPress) —Ciyaaryahanka madowga ah ee Ederzito Antonia oo ku magac dheer Eder marnaba abidkii kuma uu fikirin in ay taariikhda u geli doonto halyeeyii dalka Burtaqiiska gaadhsiiyey guushii ay abidkood ku riyoonayeen.

 

Waxa uu ahaan jiray ciyaartoyga safka labaad ee xulka qarankiisa, xitaa waxa uu ku sigtay in laga reebo kooxda xulka qaranka Portugal uga qaybgelaysay ciyaaraha koobka qaaradda Yurub ee sannadkan 2016ka. Laakiin nasiibku waxa uu u ogolaaday in ciyaartoygan 28 sano jirka ah ee isir ahaan ka soo jeeda, kuna dhashay dalka Guinea-Bissau ee galbeedka Afrika, lagu daro kooxdan aan laga jeclayn intii ka horreysay markii uu daqiiqado gudahood noqday halyeeyga qaranka, kadib markii uu gool loo qaadan waayey dhaliyey daqiiqadihii lagu daray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Faransiiska iyo Bortuqiisku ay ku wada ciyaareen dalka Faransiiska ee martigeliyey sannadkan.

 

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya ayaa sheegay in Eder u daqiiqadii 79naad ee ciyaarta soo galay garoonka isaga oo soo beddelay Reneto Sanches, xilli xiddigii iyo kabtankii kooxda C. Ronaldo uu dhaawac garoonka kaga maqnaa tan iyo daqiiqaddii 25naad ee bilowgii ciyaarta. Cidina ma’ay filayn in Eder uu dhalin doono goolkii uu Cristiana Ronaldo dhalin kari waayey, xitaa Eder laftiisa oo hadlay ayaana xaqiijiyey in aanu qudhiisuba iska filayn taas, oo isaga oo farxad is kala garan la’ uu ku sigtay in uu goolka uu dhaliyey guushiisa cid kale wada siiyo, “Runtii waxa uu ii sheegay in aan goolka guusha dhalin doono.

 

Waxa uu I siiyey awood iyo tamar, kooxda oo dhamina sidaas oo kale.Arrintaas ayaana kaalin muhiim ah ku lahayd goolka. Waxa uu ahaa gool ka dhashay shaqo wadareedda kooxda” ayaa uu yidhi Eder.

C. Ronaldo

Tababarka kooxda ayaa qudhiisuna qirtay in goolkaas ka hor aanu waxba ka filayn ciyaartoygan, “Shimbir badeed foolxun ayaa uu ahaa, laakiin waxa uu isu beddelay mid qurux badan” ayaana ka mid ahayd hadallo uu jeediyey guusha kadib. Isaga oo la og yahay in toddobadii ciyaarood ee kooxdi ciyaartay intii wareeggani socday uu saddex keliya oo ka mid ah uu weliba mar dambe soo galyey ciyaarta.

Ederzito Antonia

Nacaybka Eder loo hayey waxaa iyaguna hore u caddaystay taageerayaasha xulka qaranka Portugal oo mar bishii April ee sannadkan uu  tababaraha kooxdu Eder soo galiyey ciyaar saaxiibtinimo oo dhex maraysay dalka Belgium ay mar keliya foodhi iyo orin la sara kaceen si ay u muujiyaan diidmada soo galitaankiisa ciyaarta.

 

Eder oo xulka dalka Portugal 29 ciyaarood u saftay 4 gool oo keliya dhaliyey ayaa maanta nool taariikh noloshiisa aad qiimo ugu leh, waxa aanu niyad dhis badan ka helay ciyaartoyga weyn ee C. Ronaldo oo xaqijiyey in uu markastaba filayey in weeraryahankani uu noqon doono ninka guusha u soo saxeexi doona xulka qarankiisa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY