SONSAF: Warbixin Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Kormeerkii Goob Joogayaasha Maxaliga Ah Ee Doorashadii Madaxtooyada

0
1156
Somaliland Non – State Actors Forum (SONSAF)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa soo saartay warbixin hordhac ah oo ku saabsan sidii doorashada Madaxtooyadu uga qabsoontay guud ahaan dalka Somaliland, iyo sidii ay uga hawlgaleen dallad ahaan. Agaasimaha Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Maxamed Barawaani ayaa ugu horreyn sheegay inay soo bandhigayaan warbixin hordhac ah oo ku saabsan doorashadii Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa warbixin hordhac ah oo laga soo ururiyey guud ahaan goobihii cod bixinta ee gobollada Dalka oo ka hadlaysa sidii ay goobuhu u shaqaynayeen, amase doorashadu u qabsoontay”.

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Dallada SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil ayaa isna faahfaahin ka bixiyey tirada goob joogayaasha maxaliga ah ee ka hawlgalay doorashadii Madaxtooyada, waxaanu yidhi “Sonsaf, lix boqol iyo labaatan goob jooge ayey ku fidisay goobihii cod bixinta ee dalka, iyadoo labaatan ka mid ah goob joogayaashaasi ay ahaayeen dadka aanu laxaadkoodu dhameyn oo aanu gaar uga dhignay, si bulshadu uga wada qayb qaadato kormeerka doorashada”. Waxa kale oo uu Mustafe tilmaamay qaabka goob joogayaashaasi u hawlgaleen “Si aanu u kormeerno cod bixiyeyaal tiro badan ayaanu dooranay oo aanu ku fidinay goob joogayaashaasi sanaaduuqdii ay ku jireen afar boqol oo cod iyo wixii ka badan, taasina waxay noo suurto galisay inaanu kormeerno 41% goobihii cod bixinta doorashada Madaxtooyada”.

Ugu dambayntiina, Maxamed Cabdalle Cilmi oo ka mid ah Saraakiisha SONSAF ayaa warbaahinta u akhriyey war-saxaafadeedka Dalladu soo saartay, waxaanu yidhi  “Shaqadii goob joogayaasha Maxaliga ah ayaa guud ahaan ku soo dhammaatay si guul ah, kadib markii ay gaadheen goobihii loo asteeyey ee ay ka hawlgalayeen, waxaanay soo weriyeen inay doorashadu ku bilaabantay si nabadgelyo ah, iyadoo ku socotay jawi xasiloon, goobuhuna ay furmeen 90% waqtigii loo asteeyey”, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Goob joogayaasha Sonsaf ee Maxaliga ahi waxa kale oo ay qireen in goobuhu dhammaan si nabadgelyo ah usoo xidhmeen, iyo in qalabkii loo adeegsanayey doorashada si habsami ah u gaadheen goobaha cod bixinta, iyo in goobaha ay kormeerayeen ay ku sugnaayeen wakiilo ka socda xisbiyada, hawlwadeenada Komishanka, Ciidammada, iyo Booqashooyin ay goobaha qaarkood ku marayeen goob joogayaal caalami ah, xarumaha codeynta iyo goobaha kale ee cod bixintu waxay ahaayeen kuwo u diyaarsan si habboon, bilaabistii tirinta cododka ma jirin wax shil ah ama caqabad ah oo ku yimid, waxa dhacday in goobaha qaar loo diiday inay galaan goob joogayaasha maxaliga ah, ama laga saaray, sidoo kalena loo diiday inay goob joog ka ahaadaan tirinta cododka, waxaanay soo sheegeen inay goobta summadeedu tahay #364-2 ee Dugsiga Sh. Cali Ibraahim in masuul ka tirsan Xisbiga Waddani goobtan laga saaray, waxa kale oo ay soo sheegeen in masuuliyiinta sare ee guddiga doorashadu ka saareen wakiilkii Xisbiga Waddani goobta summadeedu tahay #365-2 ee Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim, warbixinta hordhaca ah ee ku sallaysan hawlgalkii goob joogayaasha maxaliga ah ee sonsaf waxay sheegaysaa in doorashadii madaxtooyada ay u dhacday si nabadgelyo ah”.

Dhinaca kalena, Sonsaf oo wax laga weydiiyey laba masuul oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo mid ka mid ahi uu ahaa goob jooge oo laga saaray laba goobood oo cod bixintu ka socotay iyo cidda ka saartay ayaa waxa uu guddoomiyaha dallada Sonsaf uu ku jawaabay “Goob jooge, waa qof sidiisaba diwaan galiya wixii halkaasi ka dhaca, haddii masuul ama qof xisbi goob jooge u ah la saaro, isagu waxa uu diwaan galinayaa dhacdadaasi, waxaana xarunta Sonsaf yaalla seerfar oo goob joogayaashu meel kasta oo ay joogaan waxay isticmaalayeen hab taleefan ku salaysan oo nooc kasta oo taleefan ah uu ku soo dirayo, markaa qofku dhacdo kasta oo uu arko foomkiisana wuu ku qorayaa, xaruntana way ku soo dhacaysaa, dhacdooyinkaa dhacayana sababta ay u dhacayaan looma diran ba, maxaa loo saarayna ciddna ma weydiinayo, xattaa haddii uu goob jooguhu awood u leeyahay inuu wax saxo uma taalo”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Dallada Sonsaf Mustafe Sacad Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here