Somaliya Oo Weerarkii Xeebta Liido U Qabatay Somali Haysta Dhalashada Holland

0
848

Muqdisho, (HargeisaPress) — Dawladda Somaliya ayaa weerarkii xeebta Liido ee khamiistii u qabatay nin magaciisa lagu sheegay  Ismaaciil Muuse Axmed oo lagu sheegay ninkii ka dambeeyay weerarkaas.

 

Telefishanka Universal ayaa xalay baahiyay inkastoo laamaha ammaanka dawladda Somaliya ay xaqiijiyeen in hal nin ay u qabteen weerarkii Xeebta Liido, oo aanay magaciisa sheegin ayaa xogo uu telefishanku helay wuxuu magaca ninkaas ku tilmaamay Ismaaciil Muuse Axmed.

 

Sida uu telefishanku sheegay Ismaaciil Muuse Axmed ayaa noqday qofka qudha ee loo qabtay

 

weerarka uu dhiigga badani ku daatay, waxaanu telefishanku sheegay in Ismaaciil haysto dhalashada dalka Holladn, waxaanu Tvgu sheegay inuu horkacaayay weerarkaas, laakiin ma raacin sida loo qabtay.

 

Geesta kale Wargeyska Netherlands Times ee ka soo baxa dalka Holland ayaa qoray in Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Xeebta Liido uu yahay Nin Somali ah oo haysta Dhalashadda dalka Holland. Sida anu ka soo xiganay Wargeyska Geeska Africa

 

Weriye Madax-bannaan oo lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faallooda Arrimaha Dagaalladda ayaa sheegay in Ninkii ka dambeeyey Weerarkaas lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed laguna qabtay Muqdisho.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here