Somaliland: Xukuumadda oo Jawaabtay Eedaymo Loo Jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
755
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda Arrimaha Dibadda  ayaa iska difaacday eedaymo loo jeediyey Wasiirka Arrimaha dibadda  Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cali, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka wakaaladda  Wararka Somaliland ee SOLNA,  ayaa lagu sheegay in Wasiirku aanu ku takrifalin dhaqaale ummadeed balse qaranka ugu shaqeeyo sida ugu habboon.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadayno in habayaraatee aan lagu takrifalin lana leexsan hantida wasaaradda, taas oo loo adeegsado wixii loogu talagalay oo keliya,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka Wasaaradda Khaarajiga.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay maalgalinta Dekedda Berbera ,iyagoo sheegay in wakhtigan ay marayso meeshii ugu wanaagsanayd.

“Waxaa iyana saxaafada la mariyaa dhaliilo iyo eedaymo la xidhiidha mashruuca dekedda Berbera ee DP World. Waxaanu halkan ka caddaynayaa in mashruucaasi yahay mid aad u qiimo badan dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasadaba,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka, waxaanay  intaasi raaciyeen “Wejiga labaad ee mashruuca oo ah ballaadhinta dekedu wuxuu bilaabmayaa sida qorshu yahay bisha Oktobar sannadkan.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY