Somaliland: Xildhibaanadda Guurtidda Oo Dood Ka Yeeshay Tayadda Waxbarashadda

0
844

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ku baaqay in si deg dega wax looga qabto sidii loo tayayn lahaa waxbarashadda dawliga ah ee dalka oo ay ku tilmaameen in hoos u dhac weyni uu ku yimid.

Waxaanay sheegeen in waxbarashadda caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ay wanaagsan tahay, hase yeeshee xukuumadda iyo wasaaradda waxbarashadu ay ka gaabisay tayaynta degmooyinka fog-fog oo aan xataa kormeer lagu tegin.

Fadhiga golaha Guurtidda ee maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaanadii fadhiga joogay waxay dood iyo falan-qayn ka yeesheen xaaladda waxbarasho ee dalka.

Inkastoo ay xildhibaanadu ku kala aragti duwanaayeen arrinta waxbarashadda hadana waxay  qaar ka mid ahaa xildhibaanadii doodda ka  qayb qaatay  ku baaqeen in goluhu u yeedho masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda si wax laga waydiiyo arrintaasi.

Halka kuwo kale-na ay qabeen aragti ah in meel wanaagsan ay marayso heerka iyo tayaynta waxbarashadda dalku, isla markaana xukuumadda iyo wasaaraduba ay taasi ku amaanan yihiin.

“Xukuumadda iyo wasaaradda waxbarashadu goboladii fog-fogaa way ilawday, kormeer xataa uma tagto. Waxaan soo jeedin lahaa aan u yeedhno wasaaradda waxbarashadda qaybta goboladda iyo degmooyinka.

Wax badan ayaynu ka shaqaynay oo way ka baqayaan kuwa caasimaduhu oo hadaladda aynu ku hadlayno ayay aad u dhuuxayaan, si fiican ayaanay u shaqaynayaan. Laakiin, degmooyinkii way lunsan yihiin” sidaasi waxaa yidhi mudane ka mid ahaa xildhibaadii doodoodda ka dhiibtay fadhigii maanta.

Sidoo kale mid ka mid ahaa xildhibaanadii fadhigaasi joogay ayaa soo hadal qaaday in guud ahaanba waxbarashadda gaarka loo leeyahay sida jaamacadaha iyo ta dugsiyaduba ay yihiin kuwo aan gaadhsiisnayn heerkii tayadda looga baahnaa.

Xidlhibaan arrintaasi doodiisa ka dhiibtay ayaa yidhi “Way kala tegeen maanta waxbarashadda dawliga ah iyo waxbarashadda gaarka loo leeyahay. Waxbarashadda dawladda waxaa ku hadhay dadkii danyarta ahaa oo keliya. Waxbarashadii gaarka loo lahaana waxay noqotay ganacsi.

Waxaan leeyahay wasaaradda waxbarashu labadaas hoos ha u eegto.Ta jaamacadaha gaarka loo leeyahay, waxaad arkaysaa nin guri kiro ah ku jira oo ku leh jaamacad ayaan ahay. Caalamka-na waxaasi waa ka mamnuuc oo waa in jaamacaduhu ay dhisme iyo xarun (Campus) yeeshaan. Jaamacaduhu shuruudo ayay leeyihiin lagu noqonayo jaamacad”.

Dhinaca kale qaar kaloo ka mid ahaa mudaneyaashii Guurtidda oo arrinta waxbarashadda doodeedda ka qayb qaatay ayaa aragti taa ka duwan qabay, kuwaasoo tilmaamay in waxbarashadu meel wanaagsan marayso.

Iyadoo imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland ee fasaladda afraad ee sare iyo sideedaad ee dhexe waxaa u fadhiistay arday tiradoodu gaadhayso 30 kun oo arday dalkoo dhan.

Waxaanay amaaneen siyaasadda waxbarashadda ee xukuumadda talladda haysa gaar ahaana wasaaradda waxbarashadd iyo madaxweynaha ku bogaadiyeen in la joojiyay tobankii arday ee kaalmaha hore geli jiray ee loo yaqaanay Top Ten-ka.

Taasoo lagu tilmaamay in loo soo xuli jiray qaab ganacsi, isla markaana ay dugsiyadda gaarka loo leeyahay dhaqaale iyo tacab badan geli jireen hadba ardayda ay u arkaan in ay kaalmaha hore soo geli karaan.

Sidoo kale waxay wasaaradda ku bogaadiyeen in sanadkan intixaankii shahaadiga ahaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah uu uga dhacay dalkoo dhan, taasoo ay ku tilmaameen mid lagu farxo.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY